Posts

Noloshu waa caafimaadka markaa ilaasho caafimaadkaaga

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Image
 In la xakameeyo xanuunka mindhicirka ku dhaca (IBS) waxay u baahantay shaqo waqti-buuxa ah. Si loo yareeyo calaamadahaaga IBS oo ah khalkhalka ku dhaca caloosha gaar ahaan mindhicirada, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad sameyso isbedel qaab nololeed oo ballaaran, oo ay ku jiraan beddelka cuntadaada si aad uga fogaato cunnooyinka kiciya waxaad u baahantay ku celcelinta farsamooyinka nasashada. Isbeddelladani waxay kaa caawin karaan inaad iska ilaaliso khataraha iman kara waxayna ka hortagi kartaa hurgunka IBS ee keena shuban ama calool-fadhiga. Waxaa laga yaabaa inaadan si sax ah u garanayn waxa kugu keenaya IBS, gaar ahaan bilowga markaad tahay iyo marka aad weli garanayso qorshahaaga daawaynta.  Maqaalkani waxa uu ka caawin doonaa qaar ka mid ah kuwa ugu xun ee sababa Iritable bowl syndrome ka naqaska iyo khalkhalka ku dhaca caloosha. 1-In aanaad cabin biyo kugu filan Haddii jidhku helo bunka iyo soodhaha cuntada oo keliya maalintii oo dhan, ma filan karno in habka dhe...

Sidee loo dajistaa hadaf cad iyo qorshayaal guulaysta?

Image
Si aad u noqoto mid wax soo saar badan leh,  halkan waxaa ah talooyin ku caawin kara: Deji yoolal cad : Aqoonso waxaad rabto inaad gaadho oo deji yoolal gaar ah, la cabbiri karo, la gaari karo, waqti-kooban (SMART). Mudnaanta sii kala sii hawlaha : Samee liis-wax-qabad oo kala-mudnaan sii hawlaha adiga oo ku eegaya muhiimadooda iyo degdeggooda. Si wax ku ool ah u maamul waqtiga : Isticmaal farsamooyinka maaraynta wakhtiga sida farsamada Pomodoro, halkaas oo aad ka shaqeynayso 25 daqiiqo oo aad qaadato nasasho 5-daqiiqo ah, si aad u kordhiso diiradda iyo wax soo saarkaaga. Tirtir waxyaabaha ku mashquulinaaya : Yaree carqaladaha adiga oo iska xidhaaya ogeysiisyada, xidh dhamaan shaqooyinka aan loo baahnayn, oo ku shaqeeya jawi deggan. Qaado nasasho : Qaado nasasho gaagaaban oo joogto ah si aad maskaxdaada u nasato oo aad tamarta aad hesho dib ugu shaqayso. Baro inaad maya tiraahdo : Ha qaadan shaqo badan ama ku heshiin hawlo aan waafaqsanayn yoolalkaaga ama mudnaantaada. U adeegso ti...

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya

Image
  Hadaynu ku horeyno dhanka jacaylka buurnida maxaa ku sababaaya dumarka? waxa jira dhawr qodob ooy ka mid yihiin; Ragga soomalida oo dhaqan ahaan jecel buurnida. Qurxinta jidhka iyo dharka. Deegaanada soomalidu degto oo laga aaminsan yahay inuu qofku xanuunsanaayo haduu dhuuban yahay. si ay inantu markiiba loo moodo inay wayn tahay ayay isku naaxinaysaa. 1-Ragga iyo waxayka aaminsan yihiin dumarka buuran iyo waxay ku jeclaadeen; muhiimada ugu horaysa waxa ninka maskaxdiisa kagasoo dhacaaya muqaalka ay inantu leedahay ee jidheed waxuna qaadanayaa qofka uu arkaayo inuu muqaal ahaan buuran yahay isagoo u arkaaya in buurnidu tahay quruxda iyo raaxada. 2- Qurxinta jidhka iyo dhanka dharka; Badanaa dumarku waxay jecel yihiin inay qaab ahaan taagnadaan oo jidhkoodu muuqdo iyadoo fikirkeedu yahay raggu hakaaga helaan halugu soo eego, waxay ogsoon yihiin dumarku hadii ay inantu dhuuban tahay inay tahay bilaa suuq raggeed, markaas si ay u hesho ayay waxay bilaabaysaa inay isticmaasho daawoo...

Sidee loo samaystaa jadwalka jimicsiga iyo midka cuntada?

Image
  Markaad isbadal doon tahay ood rabto inaad wax ka badasho qaab-nololeedkaaga sida miisankaaga,cuntaada,hurdaada, iyo qaababka kalee horumarineed, waxaad u baahan tahay uguna horeeya waa inaad qaadato go'aan adag oo ah isbadal doon dhabaa. Hadii aad ka midka tahay dadka aan go'aan qaadashada ku fiicnayn qormadan kuma anfacayso, Hadaad rabto inaad isbadal samayso waxaa lagaa rabaa inaad qoroto jadwal, kaaso noqonaaya isbadalkaaga kowaad. Jadwalku waa talaabada ku xigta go'aan qadashada, jadwalku waxa uu noqon karaa mid maalinle ah, mid bile ah intaba.  Si uu jadwalkaagu u noqdo midaad ku faraxdo oo ku gaadhsiiya riyadaada aad rabtid waa inaad markaad jadwalka qorayso kaligaa noqotaa, kaligaa meel naftaada la fadhiisataa, waa inaad indhaha isku qabataa adiga oo niyada ku haya waxaad rabto sida riyadaada iyo sidaad rabto iney u eekaato riyadaasi. Marka laga hadlaayo jadwalka waxa ugu horeeya ee maskaxdaada kusoo dhacaya  maalmo, bilo, sanad iyo waxaad qaban lahayd, Haa waa ...

Maxaa jidhkaaga ku dhaacaya hadaanad khudrad cunin? faaidooyinka khudrada.

Image
  Maxaa dhacaaaya hadaanad cunin cuntooyinka   nafaqada leh?     Markaanad cunin ama ay ka maqan tahay cuntaada waxyaabaha nafaqada leh, sida protain ka iyo vitamins, waxaad halis ugu jirtaa inay kugu dhacaan xanuuno, sida xanuunada lala noolaado, macaanka, dhiikarka, cancer ka. Si aad uga hor tagto xanuunadaa waa waajib inaad khudrada iyo sharaabada khudrada laga sameeyo ku darto cuntaada maalin laha ah. Waxaay cilmi baadhisyada ay samaysay haayada cafimaadka aduunka (WHO) lugu ogaaday in 1.7 million qof ay u dhintaan inaanay helin khudrad iyo cabitaano jidhkooda ku filan. Markaynu sii kala qaadno tiradaa aynu hore usoo sheegnay 14% ayaa u dhinta gaastariga iyo cancerka ama kansarka ku dhaca caloosha, 11% ayaa u dhinta wadna xanuun, 9% ayaa u dhinta faaliga (stroke) kaas oo lala xidhiidhiyo nafaqa yarida. Aduun waynaha xanuunada dadku inta badan u dhintaan waa xanuunada ka yimaada qaab nololeedka (Life style diseases) waxa ka mida macaanka, wadna xanuunka, Sidaas si...

Sheekadii "LUUL"

Image
  Sheekadii ‘LUUL’ Shakhsiyada hoosaysa (Poor personality) Shakhsiyada hoosaysa waa mid kamida xanuunada qofka bani adamka ku dhaca, sida iskubuuqa iyo kalsooni yarida ayuu la mid yahay. Waxa jira dad badan oo ay ku dhex nooshahay shakhsiyada hoosaysa. dadkaasi waxay la dhiban yihiin cilado fara badan oo ay ka mid tahay; ·        Kalinimo. ·        kalsooni la,aan ay ka qabaan naftooda. ·        Isku buuq badan oo ku faran, hadana aanay maamuli Karin. ·        waxay isku haystaan inay dadka kawada hooseeyaan.   Hadana shaksiyada liidadata waxyaabo badan ayaa kalifa in ay qofka ku dhacdo, *Degaanka qofku ku nool yahay. *Ehelkiisa gaara ahaan reerka u kasoo jeedo hooyada abaha iyo inta la dhalatay. *goobaha shaqada iyo maamulka shaqooyinka.   Hadii aynu siwacan usii dhex galno waxa jira dhalinyaro iyo dad dhexo oo intuba aad u s...

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

Image
  10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone   (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha. Kusoo dhawow qormo xiiso badan oo aan ku filaaqaynaayo dhecaanka testosterone ka kaas oo muhiim ah marka laga hadlaayo raganimadda iyo hurumarka ninka ragga iyo cafimaadkiisa. Waa maxay testosterone? Maxay faaido u tahay? Sidee ayay u saamaysa muqaaalkaaga iyo maskaxdaada cafimaadkooda. Testosterone waa dhecaan dabeeciya uu soo saaro jidhku rag iyo dumarba. Dheecanka waxa uu masuulka yahay inuu inanka nin ka dhigo oo calamadaha ninimadiisa ayuu so saara, sida timaha gadhka codka. Sidoo kale waxa uu masuulka yahay xooganaanta lafaha iyo murqaha ninka iyo dhalmada sidoo kale waxay ka qayb qadataa soo sarintaanka unagyada dhiiga cas. Marka la qiyaasayo cabirka inta ay marayso testosterone taadu waxa lagaa qaadaya dhiiga oo laga badhaya ama dhecaanka laftiisa.  Ninka cafimaad ka qaba qiyaasta saxda ee lugu talo galay testosterone tiisa inay ahaato waa 300 ilaa 1000 nanograms/dl. ...