Sidee loo samaystaa jadwalka jimicsiga iyo midka cuntada?


 

Markaad isbadal doon tahay ood rabto inaad wax ka badasho qaab-nololeedkaaga sida miisankaaga,cuntaada,hurdaada, iyo qaababka kalee horumarineed, waxaad u baahan tahay uguna horeeya waa inaad qaadato go'aan adag oo ah isbadal doon dhabaa.

Hadii aad ka midka tahay dadka aan go'aan qaadashada ku fiicnayn qormadan kuma anfacayso, Hadaad rabto inaad isbadal samayso waxaa lagaa rabaa inaad qoroto jadwal, kaaso noqonaaya isbadalkaaga kowaad.

Jadwalku waa talaabada ku xigta go'aan qadashada, jadwalku waxa uu noqon karaa mid maalinle ah, mid bile ah intaba. 

Si uu jadwalkaagu u noqdo midaad ku faraxdo oo ku gaadhsiiya riyadaada aad rabtid waa inaad markaad jadwalka qorayso kaligaa noqotaa, kaligaa meel naftaada la fadhiisataa, waa inaad indhaha isku qabataa adiga oo niyada ku haya waxaad rabto sida riyadaada iyo sidaad rabto iney u eekaato riyadaasi.

Marka laga hadlaayo jadwalka waxa ugu horeeya ee maskaxdaada kusoo dhacaya  maalmo, bilo, sanad iyo waxaad qaban lahayd, Haa waa sidaa.

Markaad go'aanka iyo isla hesho riyadaada waxaad soo qaadaysaa buuga aad ugu talo gashay inaad ku qorto fikirkaaga iyo jadwalkaaga, Go,aamadaada sida;

  1. Fikirkaaga guud ayaaad qoraysaa iyo waxa maskaxdaada ku jira.
  2. waxaad kala saaraysaa fikradahaga inta muhiimka iyo intaan muhiimka ahayn.
  3. waxaad qoraysaa qoraysaa intaad rabto inaad ka xaqiijiso.
  4. waxaad qoraysaa intaad maalinkasta samaynayso.
  5. waxaad gooni u qoraysaa waxyaabaha wiigi aad samaynayso.
  6. waxaad qoraysaa waxyaabaha aad bishii samaynayso.
  7. waxaad gooni u qoraysaa intaad sanadkii samaynayso.
Imika waxaynu kala qaadnay jadwalkaagi sidii ugu fududayn eed ufahmi lahayd iyo sidii ugu wacnayd eed u fahmi karayso.

Markaad imika intaas qorto waxaad samaynaysaa intaad meel ku dhajiso sida qolkaad seexato iyo inaad so saarato shaashada mobilkaaga ama computerkaaga.

Hadaba muxuu yahay jadwalka aad qoratay?



  1. Jimicsi guud.
  2. Cuntaada isku dheelitirto.
  3. Mid dhaqaale aad ku samaynayso.
  4. Mid aad xidhiidhka adiga ilaahay idinka dhaxeeya aad ku xoojinayso.
Noocu doono ha noqdee muhiimadu waa inaad ka midho dhalisaa go'aankaas aad naftaada la gaadhay.
Markaad isbadal samaynayso waxa marka ugu horeysa kugu dhacaaya cadaadis badan oo ah inaad dareento kaas oo ka imanaaya isbadalka ku dhacay naftaada ood ka joojisay wixii markii horey kugu samaynaysay, waxanaad la imanaysaa inaad adkaysi badan samayso si aad u gaadho riyadii aad ku riyoonaysay.

Tusaale;
  1. wiiga kowaad waxa aad dareemaysaa dhib badan kaasna qofkasta oo isbadal rabaa uu dareemaa.
  2. wiiga labaad waxaad dareemaysaa in ay wax ku yara hagaageen oo farxad aya kuyara galaysaa.
  3. wiiga 3aad si dhamaystiran ayaad u dareemaysaa isbadal dhab ah.
  4. wiiga 4aad markaad marayso waxaad xisaabinaysaa naftaada halkii aad wiigi 1aad taagnayd iyo halkaad maanta taagan tahay.
Hadaba laba mid ayuunbaad noqonaysaa inaad 4aad wiig aad ku joojiso sidaay somalidu u badan tahay, ama waxaad noqon qof ku dhiirada oo sii wada.
Hada waxa ku bilaabmaaya; Maxaa ku qorshaysnaa inaad bishii samayso?
Markaad bisha kasoo gudubto waxaad u gudbaysaa 90 cesho oo u dhigma 3 bilood,
3 biloodna waa inta la dhaho qofku wuu isku badalaa oo dhaqankiisi hore wuu badal mayaa qof cusub ayaad noqonaysaa, halkaas hadaad ilasoo gaadhay guul ayaan ku rajaynayaa iyo inaad halkaas kasii wado.

Muhiimada ugu wayn eenu ka faai'dayno jadwalka waa iney nolosheenu noqoto mid qorshaysan, halkii ay ka noqon lahayd mid kolba dhinac noloshu iyo waayuhu ula kici lahayeen. Waa inaad noqotaa qof ay u qorshaysanyihiin wixii uu qaban laha sanadka iyo snadadada soo socda oo dhami.

Jadwalka jimicsiga iyo cuntada




Markaad samaysanayso jadwalka ku saabsan jimicsiga iyo cuntada waxuu la mid yahay sidii tusaalihii aynu hore usoo sheegnay, waxaad samaynaysa ka go'naasho iyo dedaal joogtaa si aad wax uga aragto isbadalka jadwalku sababaayo.

Mudo intee leeg ayuu qofku isbadal ku arkaa markuu jadwalka jimicsiga samaysto?

waxaad isbadal ku arki kartaa mudo bil ah, markaad samayso jimicsiga aad u baahantay, sida jimicsiga miisan dhimista ama mid gaara.
waa inaad raacdaa jadwalkii bilaha ahaa eeynu soo sheegnay, xaga cuntada markaad isbadal jidheed samaynayso waa inaad cuntaada wax ka badashaa.

Cuntada markaad waxka badasho waxay kaa cawinaysaaa inuu shaqeeyo jadwalku isbadal degdegaana aad aragto.

  1. xiligaad quraacanayso waa inu noqdaa goor hore.
  2. Xiligaad cashaynayso waa inuu 2sacadood ka horeeya xiligaad sexanayso.
  3. qadadaada iyadu muhiim maaha xaga waqtiga lakiin waxaay muhiim u tahay inaad khudrad ku darsato iyo sharaab, sidoo kale xiliga qadada waxaad cuni kartaa cuntooyinka culus.

Cuntadu waxay masuulka tahay miisaan dhimistaada iyo inuu miisaan ku fuulo, sidaas darteed waxaad u baahantay inaad fiiro gaara u yeelato cuntooyinka aad cunayso, Nooca cuntada aad cunayso ayaa masuul ka ah inuu misaanku kugu kordho.

iska ilaali cuntooyinkan 



  1. Cuntooyinka ay ku badan tahay daqiiqdu ama laga sameeyay daqiiqda.
  2. cuntooyinka ay ku badan tahay fats ka baruurto sida suba.
  3. cuntooyinka sida piza, bugerka,shuwaarmada.
cuntooyinkan aaynu soo sheegnay kuma lihi dhamaan wada jooji oo naftaada ka soomi lakiin muhiimadu waa inaad yaraysato cunidooda.

Qore; Mustafe Deeq

 

Comments

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya