Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya

 

Hadaynu ku horeyno dhanka jacaylka buurnida maxaa ku sababaaya dumarka? waxa jira dhawr qodob ooy ka mid yihiin;




  • Ragga soomalida oo dhaqan ahaan jecel buurnida.
  • Qurxinta jidhka iyo dharka.
  • Deegaanada soomalidu degto oo laga aaminsan yahay inuu qofku xanuunsanaayo haduu dhuuban yahay.
  • si ay inantu markiiba loo moodo inay wayn tahay ayay isku naaxinaysaa.
1-Ragga iyo waxayka aaminsan yihiin dumarka buuran iyo waxay ku jeclaadeen;

muhiimada ugu horaysa waxa ninka maskaxdiisa kagasoo dhacaaya muqaalka ay inantu leedahay ee jidheed waxuna qaadanayaa qofka uu arkaayo inuu muqaal ahaan buuran yahay isagoo u arkaaya in buurnidu tahay quruxda iyo raaxada.


2- Qurxinta jidhka iyo dhanka dharka;

Badanaa dumarku waxay jecel yihiin inay qaab ahaan taagnadaan oo jidhkoodu muuqdo iyadoo fikirkeedu yahay raggu hakaaga helaan halugu soo eego, waxay ogsoon yihiin dumarku hadii ay inantu dhuuban tahay inay tahay bilaa suuq raggeed, markaas si ay u hesho ayay waxay bilaabaysaa inay isticmaasho daawooyin ama cuntooyin la isku naaxiyo.

3-Dhuubnida iyo aaminaada somalidu ka aaminsan tahay.

soomalidu waa dad cajiiba waxay dhuubnida ka aaminsan yihiin xanuun markastana way iska ilaaliyaan oo waxay xooga saaraan sidii ay ku buuran lahayeen, Qofka buurana soomalidu waxay ka aaminsan yihiin qof caafimaad qaba kana caafimaad badan dadka dhuuban, 
Inkastoo aaminaadu wadankasta taalo oo wadanba wax aaminsan yahay laakin tan soomalidu waa mid halisku ah caafimaadkooda.

4- Hablaha qaar ayaa iyagoo yar iska jecel inay hore loo guursado;

Hadaba si ay arintaas u xaqiijiso ayay isticmaalaysaa daawooyin ama waxyaale kale oo lugu naaxo si jidhkeedu u yeesho baruur, dharka iyo qaabkeeduna iskugu soo baxaan.

Waxyaabaha jeclaysiinaya baruurta dumarka waxaynu isla eegaynaa dhanka caafimaadka iyo baruurta.

Marka ugu horaysaba waa maxay baruur?

Baruurtu waa hilibka xad dhaafka ah ee jidhkeena saaran gaar ahaan, meelaha ay ka midka yihiin; miskaha, badhida, caloosha, naasaha.

Melahaas aynu soo sheegnay hadaad ku leedahay  miisan badan oo intii caadiga ahayd ka badan waad buuran tahay.

Baruurtu ma quruxbaa mise waa caafimaad daro?

Maya baruurtu maaha qurux; waa xanuun qofka u horseeda inay ku dhacaan xanuunada loo yaqaano chronic diseases ka, sida subagowga ka, macaanka iyo dhiikarka, wadna xanuunka iyo kalya xanuunka, dhamaan waxa laga qaada baruurtaada oo xad dhaaf noqota,
markay baruurtaadu xad dhaaf noqoto waxay xidhaa dhuumaha dhiiga, waxay hoos u dhigtaa dheefshiidka.

Baruurtu waxay sanadkasta sababteeda darteed u dhinta dad badan, hadaba somalida iyo wadamada carabtu waxay ka siman yihiin jeclaanshaha buurnida.
wadamada afrikanka kale iyana waxa jira wadamo aad u tageera baruurta.

Dad badan markii ay ogadeen dhibaatada jirta iyo xanuunada ku dhacay ayay garowsadeen inaanay baruurtu xal ahayn, inay dhuubnidu tahay dahab.


Dhuubnidu waa dahab aan lawada haysan iyo caafimaad dhamaystiran, haday tahay dhanka xaragada, dhanka nadaafada, ismaba barbar dhigi karno baruur iyo dhuubni.

hadaba aan ku waydiiye kee ayaad adigu dooran lahayd sababtana raaci?

Comments

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS