10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.
10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone
(dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.
Kusoo dhawow qormo xiiso badan oo aan ku filaaqaynaayo dhecaanka testosterone ka kaas oo muhiim ah marka laga hadlaayo raganimadda iyo hurumarka ninka ragga iyo cafimaadkiisa.
Waa maxay testosterone? Maxay faaido u tahay? Sidee ayay u saamaysa muqaaalkaaga iyo maskaxdaada cafimaadkooda.
Testosterone waa dhecaan dabeeciya uu soo saaro jidhku rag iyo dumarba.
Dheecanka waxa uu masuulka yahay inuu inanka nin ka dhigo oo calamadaha ninimadiisa ayuu so saara, sida timaha gadhka codka.
Sidoo kale waxa uu masuulka yahay xooganaanta lafaha iyo murqaha ninka iyo dhalmada sidoo kale waxay ka qayb qadataa soo sarintaanka unagyada dhiiga cas.
Marka la qiyaasayo cabirka inta ay marayso testosterone taadu waxa lagaa qaadaya dhiiga oo laga badhaya ama dhecaanka laftiisa.
Ninka cafimaad ka qaba qiyaasta saxda ee lugu talo galay testosterone tiisa inay ahaato waa 300 ilaa 1000 nanograms/dl.
Ragga marka ay gaadhaan 45 sano waxa hoos usoo dhacda testosterone tiisa.
Hadii ay hoos usoo dhacdo testosterone taadu waxa aad khatar ugu jirtaa calamadaha jidh xanuunka, daal, hurdo yari.
Lkn hadii aad tahay qof qaab nololeed kiisu cafiimaad qabo oo jimicsi iyo cunto fiican cuna iskuma arkaysid wax ciladaa. Waxa aanad noqonaysaa qof firfircooni badan.
Qaab nololeedka xumi waxa uu hoos u dhigaa testosterone taada, sida cuntoiyinka daqiiqdu ku badan tahay, piza, baradhada, iyo kuwa kale loo yaqaan fast foods.
Lakiin qaab nololeedka cafimaadka qaba ee qofku cunaayo cuntooyinka dabeecigaa iyo khudrada waxa ay kor u qaada dheecanka testosterone ka.
1* Inaad maamusho isku buuqa (stress)
Hadii ay jirto isku buuq badan oo ku haysta ha noqdo mid kaaga imanaya shaqadada ama ehelka ama bulshada aad la nooshay.
Marka uu stress ku kugu bato waxa lasoo daaya dheecaan kale oo la dhaho Cortisol, hadii uu aad ugu bato dhecaanka Cortisol ku dhiigaaga waxa hoos u dhac ku imanaya Testosterone taada.
Sidoo kale dhecaan Cortisol ku waxa uu keena misaanka oo bata iyo caajis.
Si aad isku buuqa meesha uga saarto, bilow jimicsiga, wax akhriska, salaada.
Jimicsigu waxa uu ku siinaya awood iyo xoriyad waxaanu kor u qaadaya dhecaanka Testosterone ka.
2* Jimicsiga joogtaada
Cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay ayaa sheegaya in jimicsigu kor u qaado muqaalka qofka iyo dhecaanka Testosterone ka.
Hadii aad si joogtaa u samaysid jimicsiga si maalinle ah, waxa aad arkaysaa isbadal degdeg ah.
3* Cunida booratiinka (protein)
Cuntooyinka aad maalin kasta cuntaa saamayn ayay ku leeyihiin Testosterone ka,
Tusaale ahaan waxa kor u qaada testosterone ka kaluunka, digaaga, iyo hilibka.
Marwalba waa in aad iska ilaalisa cuntooyinka aan booritanka lahayn oo aanad badsan.
4* Cabitaanka Biyaha
Intee in leeg oo biyaa ayaad cabtaa maalintii?
Cilmi baadhisyo la sameeyay ayaa sheegaya in qofka lugu talo galay 11 ilaa 15 koob oo biyaa.
Inta koob ee biya aad cabtaa saamayn ayay ku leedahay Testosterone taada.
Koobkasta oo biya aad cabtaa waa cafimaadkaaga oo sii siyaaday.
5* Yaraynta mashquulka badan
Waa inaad mararka qaar heshaa waqti firaaqa ah oo aad naftaada siisa xoriyad, sida in aad ciyaaro tagto ama aad magaalada iyo goobtii aad joogtay ka baxdaa.
Mararka qaar 5 daqiiqo oo aad yara amusnaato aya kor u qaadi karta dheecanka Testosterone ka.
6* Hoos u dhigida gabowga
Marka aad waynaato si dabeeciyaa ayay hoos ugu dhacaysa dhecaan kaaga testosterone ku,
lakiin hadaad tahay qof qaab nololeed kiisu fiican yahay sida in aad jimicsiga joogtayso ama cunto nafaqo leh.
Isticmaal Antioxidants waa walax ka saarta unugyada waxyaaba halista ku ah, sido kale waxay kor u qaada heerka testosterone ta.
Waxa aaad ka helaysaa cuntooyinka sida, biiniska, digirta, cinabka.
Comments
Post a Comment