Sheekadii "LUUL"
Sheekadii ‘LUUL’
Shakhsiyada hoosaysa (Poor personality)
Shakhsiyada hoosaysa waa mid kamida xanuunada qofka bani
adamka ku dhaca, sida iskubuuqa iyo kalsooni yarida ayuu la mid yahay.
Waxa jira dad badan oo ay ku dhex nooshahay shakhsiyada hoosaysa.
dadkaasi waxay la dhiban yihiin cilado fara badan oo ay ka mid tahay;
· Kalinimo.
· kalsooni
la,aan ay ka qabaan naftooda.
· Isku
buuq badan oo ku faran, hadana aanay maamuli Karin.
· waxay
isku haystaan inay dadka kawada hooseeyaan.
Hadana shaksiyada liidadata waxyaabo badan ayaa kalifa in ay
qofka ku dhacdo,
*Degaanka qofku ku nool yahay.
*Ehelkiisa gaara ahaan reerka u kasoo jeedo hooyada abaha iyo
inta la dhalatay.
*goobaha shaqada iyo maamulka shaqooyinka.
Hadii aynu siwacan usii dhex galno waxa jira dhalinyaro iyo
dad dhexo oo intuba aad u saamaysay shaksiyadan ku dhex nool ee hadana liidata.
Taasi waxay saamayn ku keenaysaa in ay qofka noloshaba naco
ama uu isku haysto inuu sidan ilaahay u abuuray.
Markay qofka iskugu biiraan dhibatooyinkan badan oo ay ka mid
yihiin kuwa sababaya xanuunkan inuu qofku dhaco waxa qofka ku dhalanaysa inuu
qaado (poor personality) shaksiyada liitada iyo qaar kale oo lamida sida inay
qofka kalsoonidu ka dhimato.
Waxa jirta sheeko kooban oo aniga si gaara ii taabatay oo ay
iiga sheekaysay inan la dhaho LUUL waxaan rajaynaaya inaad idinkuna wixii
fikirkaaga ka qaadato.
Qisadan waxa ay ku dhacday inan dhaliyara ah waliba da”da hada
so kacaysaa qiyaastii wali may ay gaadhin 20ka ama waa 20jir sanadkan,
isla markaana ka gudubtay marxaladan imikana ku nool nolol ay
iyadu maamulato oo qurux badan, kuna ilowday dhibkii ay mudo badan lasoo dalaa
dhacaysay.
Sidan ayay ku bilaabmaysa;
“waxyaabo badan ee aan kasoo gudbay inaan kaaga sheekeeyo
ayaan doonaya (Mustafe), imika naftaydu waxa ay maraysaa heer aan ka warami
karo wixii isoo maray, taasna guul ayay ii tahay, waxaan rabaa inaan siwacan
kugu nafiso oo sheekadayda si dagan aan kugu sheego adna aad ii dhagaysato.
Waxaan soo dhadhamiyay ciqaabo badan oo nolosha, waxaan lasoo
kulmay dhibatooyin badan ooy igu sababaysay dhibkan I haystay (SHAKHSIYADA
HOOSAYSA).
*Shaqada aan jooga ayaa xoog igu adkayd, mamulka shaqadayda
ayaa xoog iigu ad-adkaa, markaas waxaan dareemay culays badan onaan xamili
karayn, waxaan dareemayay xaalad anaanan naftayda maamuli karayn.
*Dhibaato xaga qoyska ayaa I haysatay.
*Dhanka lamanaha dhibaato ayaa iga haysatay.
* Kalsooni la,aan badan ayaa I haysatay.
*naftayda kumaan qanacsanayn.
*isku buuq badan ayaa maskaxda igaga furnaa.
*Hurdo la,aan badan ayaa I haysatay, maan seexan jirin.
Waad garanaysaa waxyaaba haas oo isku kaa biir biiray culayska
dhibato eey naftaada u gaysanayaan.
waxa jirtay maalin aan adiga ku imi (mustafe) oo aan ku idhi
hurdo la,aan ayaa I haysata kiniini hurdada iga caawiya isii, markii aad
isiisayna aan si qaldan u qaatay oo aan cunay anigo shaqada jooga markaan
shaqada sidaa uga baxayna aan dareemay dheelitiran la,aan sidii inaan sakhraan
sanahay oo kale.
Malinkaas aan kiniinka cunay jab ayaa igasoo gaadhay oo ismaan
lahayn kiniinka sidaas ayuu markiiba jidhkaaga usoo galaya, heer waxaan gaadhay
gidaarada aan qabsado intii aan guriga kusii socday.
Waxaan ku waydiiyay ‘luul’
1.
Sidaad xaaladaas uga
baxday?
2.
Talaabooyin nooceeya ayaad
qaaday si aad isbadal u samayso?
Mustafe labadaa su,aalood waxaan uga jawaabin si isku mid ah,
hal mid ayanan kaaga wada dhigaayaa.
Horta isbadalka la sheegaya maaha wax hal mar iska yimaada,
muduu ku yimaada waqtibuu qaata, aniga waxa igu qaatay 4 ilaa 6 bilood inaan
isbadal sameeyo dhankasta ah oo noloshayda ah.
Talabooyin ayaan qaaday,
Wixii idhibayay oo dhan qoraal ayaan ka sameeyay, markaas
ayaan midkasta xalkiisa ku hor qortay.
Dhibaatooyinkii I horyaalay markaan sheego ayaan xalkana
sheegi karaa sax,
Waana qodobada aan hore aan kuguso sheegay dhibatooyinkii I
haystay.
Dhibkii markaa igu waynaana waxa uu ahaa
1.
Arinta qoyskayga;
Waxaan hadaba raadiyay waa maxay sababa dhibatada qoyska keenaysa?
maxay tahay?
Waxa ananaan ogaaday inay ka imanayeen dhankayga sababo badan
oo jira awadood, markii aan xaaladii dhankayga dajiyay dhibkii jirayna Meesha
ka saaray, dhibkii xaga qoyska iga haystay wuu dhamaaday yacnii wuu xalismay.
Markaan xalkaa kowaad ku guulaystana waa markii ay noloshaydu
farxad ii noqotay, alhamdilalaah.
2.
Arintiii inaanad isku
qanacsanayn; waxaan bilaabay inaan
naftayda qiimaheeda barto, waxaan iskaga tagay shaqadii aan joogay oo aanan ku
ganacsanayn, waayo dhibaatada ugu badan ayaa halkan igaga imanaysay, anigoo
marka ilaahay talasartay.
3.
Dadka kale qancintoodi,
waxaan bilaabay inaan yareeyo ujawaabistii badnayd ee dadka gaar ahaan tii
qoyska, waxaan ku mashquulay naftayda iyo mobilkayga oo ahaa marka saxiibkayga
kowaad ee aan ku mashquulo iyo inaan cibaadaysto.
4.
Xaga xidhiidhada waa laygu
dulmin jiray; waxaan joojiyay dhamaan
xidhidhadii khiyaaliga ahaa oo waxaan u kacay dhankaayo inaan naftayda dhiso.
5.
Shaqooyin ayaan raadiyay;
1 bil ayaan fadhiyay oo bilaa shaqo ahaa, intaasna waxan xooga saaray inaan
shaqo raadiyo, digrigayga iyo cibaadayda badiyo oo markii hore aanan ku
fiicnayn.
Shaqo ayaa iso baxday waxaanan tagay goobtii layga yeedhay,
waraysi ku saabsan xaga shaqada ayay qoladii shaqadu iga qadeen sidii ayaan ku
guulaystay shaqadii.
Go,aano ayaan qaatay hadaba markii ay shaqadan so baxday ee
aan bilaabay.
Dhawr su,aalood ayaan
is waydiiyay oo ah;
· Masidaadi
hore ayaad usii noolanaysaa?
· Ma
sidaad u dhaqmi jirtay ayaad rabtaa inaad u dhaqanto?
· Wixii
aad samayn jirtay miyaad imika rabtaa inaad samayso?
· Wixii,
se adiga lugu samayn jiray miyaad ogolaanaysaa in lugu sameyo?
Dhawrkaas sualood ayaan is waydiiyay dhamaantoodna (maya) ayay isoo baxeen.
![]() |
Is bedelkii 2023 |
Waxaan kaga bilaabay talabooyinkan
1.
inaan shakhsiyadayda
dhiso.
2.
Kalsoonidaydii kor u
qaado.
3.
Waxaan bartay inaan noqdo
qof aan tixgalinba siin waxan ka dhacaya hareerahayga oo aan dhagba u dhigin.
4.
Muqaalkaygii ayaan dhisay.
5.
Iskau buuqi Meesha ayaan
ka saaray.
6.
Hab fikirkaygii aaan
badalay oo maskaxdaydii ayaan dajiyay.
7.
Labiskaygii waan dhisay.
8.
Qaab nololeedkaygii ayaan
badalay, degan qurux badan ayan samaystay.
9.
Qolkaygii hurdada ayaan
qurxistay.
10.
Wixii hore oo dhana waan
iska ilaaway.
11. Xornimo
dhaqaale ayaan gaadhay.
12. Waxaan
Meesha ka saaray waxa loo yaqaano isbarbar dhiga dadka kale.
13. Waxaan
bilaabay inaan dhanka wanaagsan wax ka eego.
Imika noloshadayda cusub waxaan ku faraxsanahay, ku
raaxaysanayay waa mudo 4 bilood ah oo dhibatadii iyo (shakhsiyadii hoosaysay
waxaan dilay 2022/12 dhamaadkeeda ayaamo kohor 1/1/23.
Noloshii waan badalay waxaan samaystay boqortooyo anigu aan
leeyahay anigu aan maamusho, naftaydii waan badalay, markaas ayay waxkastaa
isbadaleen.
1.
Markii hore dadka xoog
ayaan u qiimayn jiray.
2.
waxay igu yidhaahdaan waan
dhibsan jiray.
3.
Hadalada ay igu
yidhaahdaan toos ayay ii dhawici jireen, kaman sexan jirin.
4.
Dadka ayaa qiima wayn ila
lahaa, naftayda ayaan ilaawi jiray qiimaheeda
5. Naftayda maan baran waxay
ku fiican tahay iyo waxay ku xuntahay iyo waxa ay ku liidato.
Imika gabi ahaanba nolosha waan badalay waxyaabaha aan anigu
xalin karaayo ee awoodayda ah inaan xaliyana waan xaliyaa wixii awoodayda ka
baxsana iskumaba furo.
Markaa muhiimadu waa farxada nafta iyo ku qanacsanaanta waxaad
tahay iyo inaad cidna isku dayin inaad xoog ku qanciso.
Waxaan kula talinyaa hablaha iyo qofkasta oo ay soo martay dhibkaygaas oo kale ama hadaba ku dhex
jira inuu awood isgaliyo ah inuu talaabo hore u qaado kana shaqeeyo farxada
naftiisa iyo hurumarinta naftiisa.
Comments
Post a Comment