(Maan-dooriye) Dawooyinka isticmaalkooda labaday

 

(Maan-dooriye)

Dawooyinka isticmaalkooda labaday

 

Dawooyinku waxay ka samaysan yihiin walxo la isku dardaray oo loo sameeyay sabab gooniya ama dhawr xanuun in lugu daweeyo.

dawada iyada oo dawaynaysaa xanuun ayay hadana waxa ay leedahay dhiibatooyin yar oo qofka saamayn ku yeelanaya hadu wax ka badalo qaabkii loo qadanayay.

Sidaa darteed ayay dadka qaar oo ka kooban dad waynaha aduunka oo dhan ay dawada dhibatadeeda uga faaidaystaan hab kale oo mandooriye noqonaya. Ta aynu halkan kaga hadlaynaana waa mida aan saxa ahayn ee dadku iyagu arigtooda ay u badalaan si ay ugu noqoto maan dooriye.

Dawooyinka ugu badan ee aynu ka hadlayno waa laba nooc uun.

 

  1.  dawooyinka xanuun baabiyaha ee xoogan.
  2. dawooyinka dareeraha ee qufaca loo isticmaalo.


Dawooyinka isticmalkooda labadalay waxa ka mid ah.

§  Anabolic steroids.

§  Club drugs.

§  Cocaine.

§  Heroin.

§  Inhalants.

§  Marijuana.

§  Methamphetimes.

Dawooyinkan oo markooda hore waxa loo isticmaala xanuuno gaara lkn waa dawooyinka ugu badan ee isticmaalkooda labdalay.

 Waxa ay dawooyinkani ku qaldami karaan siyaabo badan xanuun ayay kugu noqon kaaran 

  1. Markaad ka qaadato xadi ka badan intii luugugu talo galay, 
  2. inaad ka isticmaasho meel aan lugutalo galin.
  3. Inaad qaadato iyada oo qof kale loo qoray,

Dawooyinkan oo loo isticmaalo daroogo ahaan waxa ay keenaan halis badan oo jidhkoodhan ku baahda waxa aanay inta badan saamayn ku yeelataa xubnaha maskaxda iyo murqaha.

Halista ugu badan ee ay keenaan waa xanuunka loo yaqaano laqabsiga hadii loo isticmaalo joogto, laqabsigu waxa uu noqdaa balwad tan ugu xun noloshada iyo cafimaadkaagana burburinaysa.

In ay balwadkaa noqoto oo aad isticmaasho dawooyinkan waxa ay naafaynayaan cafimaadkaaga mustaqbalkaaga.

Dadka sida goonidaa u isticmaala waa dhalinyarada oo garasho iyo garasho la’aanba u isticmaala.

dadka inta badan isticmaala waxa ay ku qabaan dhib wayn mid cafimaad iyo mid dhaqaale ahaanba.

Suuqyada dawooyinka inta badan waa laba uun qaar aqoon ahaneed u badbaadiya dadkooda dhalinyarada cafimaadkooda.

Kuwa kalena waa qaar iyagu garanayaba dhibaatada ay keenayaan dawooyinkan hadana ka raadiya macaash dhaqaale ah.

Wadamada intooda badan waa ay la dagalamaan dawooyinka in sharci daro loo bixiyo iyada oo laga hortagaayo dhibatooyinka ay keenaan dawooyinkani.

 

Waa maxay laqabsiga dawooyinku.

Laqabsiga dawooyinku waxa uu kamid noqonayaa xanuunada la daweeyo. waana xanuunku dhaca maskaxda oo ay sababto dawooyinka joogtada loo isticmaalo.

Siyaabaha uu ku yimaado waa in uu qofku isticmaalo dawo intii luugu talo galay in kabadan so noqnoqota.

Dawooyinka laqabsigoodu waxa uu isku badalayaa daroogo hadii ay isku badashana waxa dhibaato noqonaysa iska daynteedi. halkaas ayuuna qofkii kula qabsanaya dawadii.

Inkastoo dadka maskaxdooda ay kala duwan tahay sida loola qabsadaana ay kala dawun tahay, dadka qaar ayaa si dhibyar ula qabsada dadka qaarna waa ay adagtahay in ay markiiba la qabsadaan.

Iska dayntooduna waa sidaas aynu kor kusoo sheegnay oo qofna waa ay fududahay in uu iska daayo qofna waa ayku adkaanaysaa.

Iska daynta iyo iska dayn la’aanta waxa ay ku xidhan tahay samaysanka qaabka curiyayaasha bani aadamku u samaysan yihiin.


Dhalinyarada somalida ayaa kuso badanaya suuqa iyo isticmaalka dawooyinka daroogada noqda taasina waxa ay dhabar jabku tahay mustaqbalkooda iyo dhamaan bulshada kale oo ay saamayn karaan.

 

 ugu danbayn. Q
oraalkan hadii uu ku anfacay fadlan share gare si uu asxaab badan u gaadho, waxaan si maalinle ah kulaso wadaagi doonaa qoraalo ku anfaca.

 

Comments

  1. Waa talo wanaagsan oo aad muhiim u ah, in sidan oo kale bulshada looga wacyigaliyo dhibaatooyinka ay leeyihiin daawoyinku.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya