Faa'idooyinka ay leedahay kaydinta shahwada ragga iyo Guulo cajiiba
Shahwadu waa dheecaanka masuul ka ah raganimadda ninka (semen).
Dheecankan waxa la dhahaaa (semen ama tastestrone).
waxay inamadu isku arkaan da'dda 15jir mararka qaarna waxay ku xidhan tahay nafaqada ay yaraanimada isticmalaan, waanu kasoo hormari karaa waanu ka dib dhici karaa, waa Dhecaanka masuul ka hore usocodka iyo guulaha uu ninka ragga gaadho.
Waxa uu masuul ka yahay Calamadaha raganimada sida codka, timaha gadhka, muruqyada iyo dhalmada ragga.
Dheecankan waxa uu masuul ka yahay ahaanshaha ninimadaada, maamulida, waxbarashada, iyo hurumarka.
Waxaaynu halkan kaga hadlaynaa dhibatooyin ka ay leedahay inaad daadiso shahwada iyo Faa'idooyinka kaydinta shahwada.
Dhibka ay leedahay daadinta shahwada
1-fahan yaraanta iyo xasuus xumida.
Dheecankan marka la sii daayo oo qofku u isticmaalo sifo qaldan iyo mid saxsan waxa baxaaya faytamiino badan oo luugu talo galay in ay maskaxdu isticmaasho, waxaana yaraanaya nafaqada jidhka oo dhan gaar ahaan maskaxda, maskaxdaadu waxay noqonaysaa mid daciifa oo aan waxba xiftiyi karayn ma xasuusan kartid wixii imika lugu sheegay gaar ahaa waxbarasha.
2- Hurdada oo xumaata.
Hurdadu waxay ka masuul tahay nasashada iyo dib u fircoonaysiin jidhka gaar ahaan maskaxda, qofka aad u isticmaala Daadinta Dheecankan waxa ka xumaanaya hurdada waxaana ku dhacaaya in uu noqdo mid markasta caajiska ah dhanka waxqabsiga iyo hore usocodka.
3- kalsoonida oo yaraata.
Marka ay badato daadinta dheecankan oo masuul ka ah raganimada ninku ku meel maro waxa uu daciif ka noqonayaa kalsoonida uu kala mid noqon laha ragga isaga la midka ah, waxaanu cabsi iyo baqdini ka galaysaa inuu dadka dhexgalo.
Waxa ku adkaanayso inuu danahiisa dhamaysto isagu.
waxa uu markasta u arkayaa ragga kale inay ka awood iyo baruud wayn yihiin.
4-Qaabdhismeed ka jidhka.
Qaabdhismeedka ninku waa mid muqaal ahaan iyo qurux ahaan dhisan sida cadigaa.
Marka uu hoos u dhaco dhecaankani awood uma yeelan karo inuu jidhkiisu adkaado oo noqdo mid cafimaad qaba.
Dheecankan waxa uu dhisa misaanka iyo muruqa ninka iyo lafaha.
Marka la daadiyo shahwadda waxa uu ninku u ekaanaya mid awood ahaan liita oo jidh ahaan daciifa awood uma yeelanayo inuu yeesho xarago iyo qaabdhisan.
5- Samaynta dhaqaalaha iyo hurumarka.
Qofka si xad dhaafa u daadiya dheecaankiisa awood uma yelanaayo inu sameeyo hurumar dhaqaale iyo mid hore usocod dhanka guusha.
Markasta oo uu qorshe la yimaadana uma hir galaayo inuu ka midho dhaliyo.
6-xidhiidhka dadwaynaha.
Qofka shahwadiisu daciif ka tahay kana yar tahay intii lugu talo galay xadiga saxdaa ee raganimadda awood umalaha dhexgalka dadwaynaha gaar ahaan marka xidhiidho lasameynaayo mid reer kiisa iyo dadka kale. Waxa uu leeyahay amusnaan iyo xishoood badan halkii uu samayn lahaa xidhiidho meelkasta ah, waa uu ku fashilmayaa xidhiidhkasta oo uu sameeyo.
Faa'idooyinka ay leedahay markaad kaydiso shahwadada raganimo.
Marka aynu ka hadlayno kaydinta shahwada waa hubka kaliya ee uu haysto ninku si uu ugaadho rajooyinkiisa nolosha uu ka leeyahay iyo qorshe maalmeedkisa.
Waxa jira daraasado badan oo laga sameeyay saamaynta ay leedahay kaydinta shahwada, waxa la ogaaday in dadka hurumarka ka gaadha hadafyadooda nolosha ugu samaynta badan ay yihiin dadka ilaalashada dheemantooda (shahwada).
1- Hab fikirka iyo maskaxda
Dhecaanka shahwada oo aad ilaaliso waxa uu ku horseedayaa inay maskaxdaadu hesho faytamiino iyo nafaqooyin dheerada kuwaas oo ay ka helayso jidhkaaga kale. Waxa aad helaysaa nasashada hurdada inaad u seexato sidii hurdo ciyaalka aan lahayn wax buuqa.
2-kor ukaca kalsoonida qofnimo
Marka uu ninku ilaaliyo shahwadiisa mudo 25 ila 30 cesho ah waxa sare u kacaa shahwada (testastrone) , waxa uu yeesha awood uu waxkasta ku qabsan karo oo ay ugu horayso in aanu ka cabsan inuu hurumar sameeyo, sida lahadlida dadka, eegitaanka qofka marku la hadlayo.
3- Tarbiyaynta nafta (xakamayn)
Waxa aad noqonaysaa mid ka adag naftiisa marka ay ku jihaynayso waxaan dantiisa ahayn, waxa ka kamidaa inaad yeelato qorshayaal nololeed kana midha dhaliso si kasta oo ay kugu adkaato xaaladu.
Hadii aanad haysan awooda dheecaankaagu kusiinaayo awood uma yeelanaysid inaad naftaada ka adkaato ood ka xakamayso wixii aan Dan ku ahayn xumaankastana iyada ku hogaaminaysa naftaadu.
4- Maqaarkaaga, timaha, codkaaga
Marka ood u jihaysatid inaad kaydiso ilaaliso dhecaankaaga (biyaha ragga) bisha ugu horaysa waxa isbadalaya codkaaga waxaad noqonaysaa codkar dadku dhagaystaan oo uso istagaan. Maqaarkaagu waxa uu bilaabaya iftiin iyo dhalaal badan.
Bixitaanka iyo quruxda timahaagu way ka fiicnaanaysaa sidii hore.
5-Muruqa iyo lafaha oo adkaada.
Waxa xoogaysanaya lafahagaaga iyo miisanka ay laftu leedahay.
Dhamaan dhabar xanuun ka iyo lugaha way ka baabayaan iskumana arkaysid wax jidh xanuuna.
Muruqyadadu way dhismayaan gaar ahaan kuusaska muraqa oo soo taagma.
6- Soo jiidashada Dadka.
Marka aad marayso 60 cesho waxa bilaabmaaya soo jiidasha aad dadka so jiidanayso gaar ahaan dumarka.
Waxa naftaadu helaysaa isku qanacsanaan iyo farxad badan markasta oo ay tarmaan ugxaantaaduna waa Mar kasta ood noqonayso mid soo jiidasha badan.
Talo.
Dhalinyaro badan ayaa la daladhacaya xanuunka biyo baxa maalinkasta kuwaas oo aan awoodin inay hadafyadooda ka midhadhaliyaan, waxaana sabab u ah dayaca ay dayeceen dhecaankoodi iyagoo ka dayaya raaxo yar oo ay ka danbayso murugo iyo qoomamayn badan.
Laqabsi kasta oo aad leedahay waad badali kartaa haday jirto ka go'naasho iyo hadaf aad ka leedahay nolosha.
Hadaad rabto inaad ka baxdo murugadan iyo dhibatatadan ka hortaagan hurumarkaaga yeelo go'aan aad ilaahay latala saaranayso si aad uga baxdo dhibta.
Comments
Post a Comment