Maxaa jidhkaaga ku dhaacaya hadaanad khudrad cunin? faaidooyinka khudrada.
Maxaa dhacaaaya hadaanad cunin cuntooyinka
nafaqada leh?
Markaanad cunin ama ay ka maqan tahay cuntaada waxyaabaha nafaqada leh, sida protain ka iyo vitamins, waxaad halis ugu jirtaa inay kugu dhacaan xanuuno, sida xanuunada lala noolaado, macaanka, dhiikarka, cancer ka.
Si aad uga hor tagto xanuunadaa waa waajib inaad khudrada iyo sharaabada khudrada laga sameeyo ku darto cuntaada maalin laha ah.
Waxaay cilmi baadhisyada ay samaysay haayada cafimaadka aduunka (WHO) lugu ogaaday in 1.7 million qof ay u dhintaan inaanay helin khudrad iyo cabitaano jidhkooda ku filan.
Markaynu sii kala qaadno tiradaa aynu hore usoo sheegnay 14% ayaa u dhinta gaastariga iyo cancerka ama kansarka ku dhaca caloosha, 11% ayaa u dhinta wadna xanuun, 9% ayaa u dhinta faaliga (stroke) kaas oo lala xidhiidhiyo nafaqa yarida.
Aduun waynaha xanuunada dadku inta badan u dhintaan waa xanuunada ka yimaada qaab nololeedka (Life style diseases) waxa ka mida macaanka, wadna xanuunka, Sidaas si la mid ah hadaanad cunin khudaarta kala duwan, sida kuwa qaydhinka lugu cuno iyo kuwa la karsado waxaad kor u qaadaysaa jaaniska inay kugu dhacaan xanuunadaaas kadibna aad u dhimato.
khudaarta qaar waa kuwa midhaha ah sida tufaaxa, cinabka, xabxabka, afakadhada, kuwaas iyaga qaydhinka ayaa lugu cunaa waxaanay qani ku yihiin macdanaha, iyo faytamiinada muhiimka u ah cafimaadkaaga, hadii ay faytaminaadi ka dhamaadan jidhkaaga waa marka ay kugu bilaabmayaan xanuunadu ama waynow ama yarow xaga da,da.
Faytamiinadu, macdanaha kala duwan waxa ay maamulaan waxkasta oo ku imanaya isbadalka jidhkaaga, sida ilaalinta macaanka jidhkaaga, ka hortagida wadna xanuunka.
Phytochemicals, waa kimikaalis curiyayaal ah kuwaas oo ay dhirtu soo saarto, waxaanay inaga cawiyaan inay inaga difaacaan, fungi,Becteria, iyo viruska, caabuqa.
Antioxidant, waa maado inaga ilaalisa shucaaca iyo falgalada kimiko ahaan uga dhex dhaca jidhkeen, waaxay isku dheeli tirtaa curiyayasha iyo falgalada ka dhacaaya jidhkeena, waxa laga helaa khudaarta cagaaran, gaar ahaan labada nooc ee cinabka, baytraafka, barbarooniga.
1. Cuntooyinka looyaqano (Fiber foods) sida heeda, galayda, faracada, qamandiga.
cuntooyinkan hadaad cuni waydo wiigii ama usbuuci laba jeer ugu yaraan 38gram ilaa 25 gram iyada oo loo kala eegaayo nin ama gabadh ka aad tahay.
Hadii aad cuni waydo cuntooyinka baalka leh waxaad khatar ugu jirtaa inay kugu dhacaan, calool istaaag, babaasiirta, kansarka ku dhaca mindhiciraha, misaankaaga oo kordha, macaanka qaybta labaad, stroke ama wadna xanuun.
kudradaha waxa ku jira faytamiino iyo macdano badan, sida vitamin A, vitamin C, potasium, zinc, folic acid.
tusaale ahaan kaliya haday Potasium tu kugu yaraato waxa kugu dhacaaya.
- Wadna garacaaga khalkhalaaya.
- Muruqyadaada masoo laabi kartid.
- Dhiikar
- fuuqbax iyo macdantaada oo noqota mid aan dheelirnayn.
2. Misaanka khudrada sida dabeeciga ah waa bilaa baruur ama subag ma wadato, Hadii aad ka saarto cuntaada khudrada waxa adkaanaysa in la maamulo misaankaaga,
Dadka aan cunin khudrada waxaay cunaan pasta, bariis, hilib, mana aha isku qiime oo waxa tayo badan khurdada, xaga kuwaasi kor u qaadayaan calorieska oo ah iyagu awoodsiin kaliya jidhka (Energy).
Hadii aad doonayso inaad misaanka dhinto kaliyaa waxaad bilaabaysaa khudaarka kala duwan adiga oo joojinaaya, pasta, bariiska, iyo cuntooyinka Junk foods loo yaqaano sida piza da iyo jabista.
Gunaandka
Marka loo eego wadamada ay somalidu degto waa laga helayaa khudaar badan oo kala duwan kuwaas oo nafaqo u noqon kara jidhkeena.
Ha is odhan malaa waxan laga sheekaynayaaba heli maysid, meel kasta waad ka heli kartaa.
dhamaan khuradaha kala duwan ee aynu kusoo sheegnay qoraalkeena waa laga helaa meel kasta oo somali degto.
Adiga ayaa shakhsi ahaan u samaysan kara.
Dhamaan waxyaabaha xayaysiis ahaanta loo sameeyo ee soo mara warshadaha kuma jiraan sawirka ku sawiran ee waa ha lugu iibsado, Hadii ay wax ku jiraana way yar tahay.
Sharaabada la qasto kuma jiraan wax faytamiino ah oo ay ku kor dhinayaal lakiin waxa ay dhadhan kugu samaynayaan biyaha aad cabayso.
FB-hadaad ka faaiday share garee. mahadsanid.
Hadii aad danaynayso inay qoraalo sidan oo kala kusoo gadhaan maalin kasta fadlan Gmail kaaga ka diwaan gali websiteka.
DAAWO- VIDEO FACEBOOK
muhiim mahadsanid
ReplyDelete