Sidee loo afuraa loona suxuurta? Ramadaanta
Waxa aynu qormadan kaga sheekaynaynaa laba qodob oo muhiima xiliga soonka ramadaan.
1* Sida ugu wacan ee loo cuno afurka, adigoo ilaalinaaya cafimaadkaaga.
2* Sida loo cuno suxuurta adigoo iska ilaalinaaya cafimaadaro kugu dhacda.
Bulshadda soamlida meel kasta oo ay joogto runtii waa dad isku dhaqanaa marka laga eegayo sida ay cuntada u cunaan.
haku kala duwanadaan degaanada ay kaladagan yihiin iyo cimilada, sidoo kale ay ku kala duwan yihiin dhanka cuntooyinka nafaqada leh.
marka la yimaado xiliga soonka, gaar ahaan soonka ramadaan waxa jira qaladaad badan oo ay sameeyaan bulshadeenu oo labadan qodob aynu kusoo koobi doono.
Dadka somalida waxa ay ka siman yihiin in ay yihiin dad ay ku badan yihiin xanuunaddu guud, dhiikarka, macaanka, gaaska, iyada oo ay sidaa tahay hadana inta badan ma helaan wacyi galino ku saabsan sidii ay cafimaadkooda u ilaalin lahayeen.
1*Hada waxaaynu ku horaynaa afurka iyo sida loo cuno, marka la joogo waqtiga soonka waxa dhamaanba is badala habkii ay caloosheenu ushaqaynaysay, dheefshiidkeeni, dhecaanadii lasoo dayn jiray ee cuntada burburin jiray.
Marka aad sooman tahay waqti aad u dheer oo waliba dhulka somalida dadka jooga ay ugu waqti yar yihiin oo wadamada Europe ta iyo maraykanka waxa laga sooma in ka badan inta ay somaan somalida dalkii joogta.
Marka ay is wada badalaan dhamaan shaqadii caloosha adiga markaa maxaa lagaa rabaa inaad samayso oo is badala?
Waa in aad adiguna is badal samaysaa kaas oo ah in aad sidan u cunto afurkaaga,
*Waa in aad marka hore aad cuntaa sedex xabo oo timiraa (dadka aan qabin macaanka) marka aad sedexdaa midh cunto,
*Waxa aad cabaysaa kabasho ama sedex kabasho oo biya ah.
*waxa aad cunaysaa ilaa laba shay oo kale oo afurkaaga ka mida mid xabad.
*Waqtiga waxa aad ka dhigaysaa aad cunayso ilaa 10 daqiiqo.
Hada maxaa dhacaaya hadaba?
waxa dhacayaa in calooshii oo gaajaysnayn ay so galaan awood/tamar ay burburin karto, markaana inta awood laga dhigo waata ay gaajada ka yara ba'do.
*waad iska so tukanaysaa kadib ayaad sideeni cuntada u cunaysaa, Maxaan ugala jeeda sideeni? somalidu waa dad cuntada xoog ku cuna sidii in ay dagaal ku jiraan, haduu qof kaliya yahay iyo haday dhawr qof yihiinba.
Imika xor ayaad u tahay inaad cuntaada kala duwan cunto.
Muhiimada qodobkeeni kowaad gunaanadkiisu waxa uu yahay in la iska ilaaliyo in caloosha la dawakhiyo, oo hal mar aad afurkii oo badan afka galiso iyo hadaad doonto aad cashadii raaciso, caloosha oo maanta oo dhan madhnayd ayaa waxa soo galaya cunto ka tiro badan, waa halka gaaska laga qaado iyo culayska/ caajiska ku yimaada qofka marka uu afuro. ujeedka waynaga kor kusoo qornay.
maskaxdaadu waxa ay ku leedahay cun cunto badan iyo waaxay afurkan yar ee ku horyaala? maanta aad ayaan u gajoonayay waa inaan aad wax u cunaa maanta.
lakiin taasi waa khiyaaliga ka buuxa maskaxdeena una baahan in aynu ka fikirno cafimaadkeena, cuntadaa badan ee halka marso galaysa caloosha waata sababaysa in ay ku go'aan muruqyada calooshu oo aad noqoto calool wayne.
waxa kale laga qadaa gaastari oo cuntadii faraha badnayd marka ay kaydsanto waxa ay sababaysaa in ay hesho bakteeriyadu degaan ay ku nolaan karto, wadigaaba gaastii bakteeriyada qaaday.
2* Suxuurta, xiliga la suxuurto marka laga yimaado 10ka danbe oo dadka qaar ay so jeedaan oo marka ay taajidka yimadaan cunaan suxuurta, Dadka intiisa kale waxa ay suxuurta cunaan iyagoo ilna isku haya ilna kala haya; taas waxa aan ugala jeeda dadkuba iyaga oon so wada jeedin ayay cuntada cunaan/ cuntadu nooca ay doonto ha noqotee.
Taasna waxa ka dhasha caqabado fara badan oo cafimaad daro.
*GRD, waxaa xanuun ay cubtadu dib ugu soo noqonayso hunguriga oo ay aad moodo in qofkiiba so huqaacaayo, lakiin masoo hunqaacayo, Mararka qaarna way dhacdaa inuu qofku matago markasta waa marka xanuunkan kusii bato. waa qayb kamida gaaska oo ay sabab u tahay cuntadii qofku intuu cunay hadana markiiba isku tuuray sariirtiisi oo seexday.
Maxaa laga rabaa marka aad suxuurnayso?
Waxa lagaa rabaa in aad si degan marka hore cuntada aad u cunto si ay calooshuna nafis ugu gasho, dheecanadana looso daaayo ugu yaraan waa in aad 10 ilaa 15 daqiiqo aad yara fadhida/ socotaa gurigaaga dhexdiisa, taasi waxa ay ku saamaxaysaa in cuntadii loo dadajiyo qaybaha hoose ee caloosha.
Imika waad seexan kartaa adiga oo ka badbaaday inaad ku xanuunsato suxuurtaada.
*Calool qushqush, qodobkan oo ka midaa qodobka 2aad waa mid ay somalida badan keedu garanayso caana ku tahay, waliba bisha ramadaan waxa goobaha cafimaadka buux dhaafsha subaxa hore dad ku xanuunsaday suxuurtii xalay,
Maxaa sabab u ah markaa in calooshu ku socoto ama aad matag yeelato?
waxa sabab u noqonaaya cuntooyinka kala duwan ee lugu suxuurto gaar ahaan cuntada dhanaan ee la shiilay, sida aynu ognahayba suxuurtu waxa ay ku fiican tahay cunto saafi ah, gaar ahaan cunto wadanida ayaa muhiima in lugu suxuurto.
Hadaba cuntada dhanaan ayaa keenta calool qushqushka, waxa aanay sababaysaa in ay gaasta kor u kiciso, dhecaanadana khalkhaliso, Marka aad sidaa ugu seexatana waxa dhalanaysa bakteeriya, taas oo hor iyo dabo kaa dhigi karta.
gabagabada waxa ay tahay.
*waa in aad afurkaaga caloosha ka afurtaa oo aanad ilaawin cafimaadkaaga.
*in aad ku suxuurato cunto baal leh/ cunto wadani.
Qor madan waa intaas iyadoo muqalaana waan kaso hadli doona insh allah.
share ku dhufo xaga hoose oo gaadhsii dad badan ayaa u baahan.
Comments
Post a Comment