Waa sidee qaab nololeed kaagu?

 Ma u malaynaysaa in aad cafimaad qab usii nolaan doonto hadii aad usii noolaato qaabka aad hada u nooshahay? 


Waxa jira qaabab badan oo hadii aad imika u nooshay kugu sababi karaan xunuuno degdega iyo cafimaad daro.


1_ inaad so kacdo gaadhi raacdo shaqada da tagto, habeenkiina aad gaadhi kuso noqoto oo gurigaaga sidaas ku timaado.

2_inaad cunto cunto daqiiq u badan in ka badan laba ama sedex Mar maalintii.

3_inaad habeenkiina cunto cuntoo hilib leh oo xoogan in yar ka hor intaanad seexan.


Qodobadan aynu kor kusoo qornay waa qaar ka mid ah qaab nololeedka bulshadeenu u badan tahay, waxaanay halis ugu jiraan xanuunada ay kenaan qaab nololeed ku.

Hadaba hadii aadka mid tahay dadka sidan u nool waxa aad u baahan tahay waxka badal.


Qaab nololeed kaaga ood badashaa waxa uu ku horseedi karaa inaad ku noolaato nolol cafimaad qabta.


1_subixii markaad so kacdo saacad ama wax yar jidhkaaga kala bixi, jidhkaagu waxa uu jiifay xalay oo dhan waanu isgalay waxa u baahan yahay inaad jimicsi fudud samayso.

Subixii quraacdaada haka tagin, jidhkaagu waxa uu baahan yahay shidaal uu ku bilaabo maalinnimadada, ma helaysid awood aad ku shaqayso gaar ahaan maskaxdaada.

2_cuntadada oo aad saxdo waa u muhiim cafimaad ka jidhkaaga, waxa aad u baahan tahay inaad is barto cuntooyinka ka yimaada dhirta sida cunto wadanida.

Dheefshiidka keenu ma yaqaano cuntooyinka warshadaha ee moorsan waanu ku xanuunsadaa, waxaanay kugu keenaysa khalkhal ku yimaada dheefshiidkaga.

3_habeenkii oo aad cuntada ku seexataa waxay keenta inay culays saarto dheefshiidka oo habeenkii nasan lahaa, waxa ay culuys saarta qulqulka dhiiga ee maskaxda tagi lahaa waxaanay keenaysa in habeenkii oo dhan lugu mashquulo caloosha.

Sidoo kale miisanka ugu badan waxa laga qaada cashada habeen kii la cuno marka aad seexanayso.


Hadii qaab nololeed kaagu yahay sidan aynu soo sheegnay waxaad halis ugu jirtaa xanuunada ay sababan qaab nololeed ku,

~Macaanka

~Dhiikarka

~Miisanka

Comments

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya