waa kuma daawoyqaanku?
Waa kuma daawoyaqaan?
Daawoyaqaanku waa
qofka bartay daawada sida ay u shaqayso, dhibatooyinka ay keento, kana soo baxay kuliyada dawooyin ka lugu barto. Qof kasta
oo bartay caafimaadka ma noqon karo dawo yaqaan.
Dawoyaqaanku waxa u
yaqaana samaynta dawooyinka dhibkooda, faidadooda iyo habka loo isticmaalayo dawadda.
Qofka dawoyaqaanka
ah marka u bukaan siiyo daawo waxa u garanayaa dhamaan faai’dada dawadaas habka
loo isticmaalayo iyo khasaaraheedaba.
Marka uu dhib ka
yimaado dawada waxa u garanayaa habkii u ku xalin lahaa dhib kaas.
Waana sababta aynu u
doonayno in ay gaadh hayeen u noqdaan aqoonyahanada dawoyaqaanku oo mesha looga
saaro dad aan aqoonta u lahayn ee ka ganacsanaya dawada halistana ku haya
cafimaadka bulshada.
Dawoyaqaan ku rag
iyo dumar waxa uu awood u leeyahay in uu bukaanka u jeheeyaan nidaamka casriga
ah ee qaab qadashada dawada oo ah mid bulshadeena u diidaaya in ay daawada u
isticmaalaan si maalin leh ah taas oo aanay bulshadeen u war ka hayn dhibka
kaso gaadhaya,
Waxa uu habraacan
Hoos u dhigaya khataraha maalin laha ah ee ay dawadu u gaysato bulshada.
Nidaamku waxa uu
saxayaa waxyaabaha bila qorshaha ah sida in bukaanku si toosa ugu tago
farmasiga ee aanu u tagin dhakhtarka, halkii uu horaysiin lahaa in uu la kulmo
dhakhtarka lana tashado wixii u kula taliyana uga qaadan lahaa farmasiga.
Waxa aduun waynaha iyo dunida hurumartay ka
jira nidaam loo dajiyay daawo qadashada kaas oo ah in qofka Bukaanka yeesho
dhakhtar khaas u ah iyo daawoyaqaan haga una sharaxa waxta oo ubaahdo bukaanku,
isla markaana yeeshaan xidhiidh toosa, halkii uu bukaanku kolba meherad iyo
dhakhtar cusub kala kulmi lahaa.
Bukaan kastaaba waa
in u ka guura nidaamka dhibatada inugu haya ee ina khalkhalgaliyay, sida in uu
bukaanku la kulmo dhakhtarka inta aanu dawada qaadan taasi waxa ay suurto
galinaysa in bukaanku ka badbaado dawadii u iska qadanayay oo u helaayo daawo
sax ah marka u yeesho dhakhtar iyo dawoyaqaan khaas u ah.
Marka aad habraaca
raacdo waxa aad helaysaa qodabadan.
· Daawo dilaysa xanuunku haya.
· Daawo qiyaasteedu kugu haboontahay.
· Daawo ku haboon jidhkaaga iyo miisankaaga.
Marka la Is barbar
dhigo nidaam iyo nidaam la’aan imika waxa awood wayn ku leh wadankeena iyo
dhamaan gayiga somalidu degto hanaanka u bukaanku daawo isku qoraayo oo ah mid
xumaantiisa wata halis wayna ku ah cafimaadka bukaanka.
Jidka xumi waxa u ku
horseedayaa;
· Daawo aan dhakhtar ku qorin oo ad cunto.
· Daawo aan lahayn qiyaas sax ah.
· Daawo halis ku ah dhamaan xubnaheena.
Marka aynu raacno
nidaamka casriga ah ee dunida waxa badbaadaysa nafteena waxayna ku nolaanaynaa
cafimaad dheer iyo daganasho Khalkhal la’aan ah.
Si aynu ugu nolaano
cafimaad isku dheeli Tiran waxa aynu u baahanay in aynu ka taxadirno cida aynu
cafimaadkeena kala tashanayno ee aynu la xidhiidhayno iyo in aynu markasta raacno
habraacyada saxa ah ee u dajisan bahda cafimaadka iyo waaxaha cafimaadka.
Waa in aynu isku
duubnaan markasta iskaga qabanaa dadka sida arxandarada ah dadkeena sunta uga
iibinaaya, gaar ahaan kuwa aan aqoonta u lahayn iibinta iyo ka ganacsiga
dawooyinka.
waxa jirta qaar
kamid ah ganacsatada dawooyinka keena dalkeena oo kasoo adeeganaya suuqyada
caalamka iyaga oo aan aqoon durugsan u lahayn daawada tayadeeda iyo saamaynta
ay leedahay sababo la xidhiidha in ay ganacsi ahaanuun u galeen.
Dadkeena ayaa noqday
meel lugu tijaabiyo daawada tayada leh iyo tan aan tayada lahayn. madaama aanay
hada shaqayn goobaha tayada dawada lugu tijaabiyo ama aanay siwacan u shaqayn
wali, Taasina waxay keentay in aynu halis badan ugu jirno dawooyinkaas
dhibatada ay jidhkeena ugaysan doonan iyo in aanay waxbaba ka tarin xanuunadi
aynu u qadanayno waana dhibka ugu way nee haysata dhakhatiirteena iyo bahda
cafimaadka oo dhan.
Habraacyada
cilmiyaysani waxa ay inaga badbadinayaan in aynu noqono dad iyaga lugu
tijaabiyo dawada ay qadanayaan, taasna waxa inaga badbaadin kara Dadka
daawoyaqaanka ah oo iyaga la siiyo awooda daawo soo dajinta iyo bixinta sidoo
kale kaalinta ka hortagida afooyinka ay dawooyinku keenaan.
Comments
Post a Comment