waa sidee tayada dawooyinka dhulka somalida?

 

 ka ganacsiga dawooyinka iyo somalida




Bulshada somalida ee geeska Africa ku dhaqan waxa ay leeyihiin wakiilo ganacsi oo u qaabilsan soo ibinta dawooyinka suuqyada caalamka iyo soo dajinta iyo tafaariqaynta dawooyinka.

Suuqan kala ganacsiga dawooyinka waxa ku jira ganacsato somaliyeed oo mudo badanba siyaabo kala duwan usoo dajin jirtay dawooyinka.

Halkana waxaynu ku iftiiminayna herarka uu maro ganacsigani saxa iyo qaladadka ku jira ee ay sameeyan ganacsatada somalidu.

waxa sido kale so xiganaynaa warbaxino ku saabsan suuqyada caalamka ee ka ganacsiga dawooyinka.

 

v Glaxosmithklines [1715-1859] waxa ay sharakadani xilli ay ahayd tariikhdaas soosaari jirtay dawooyinka caalamka. sharkadan oo fadhigeedu yahay England, london. 

   waxa si wayn ugu jirta liiska daawo soosarayasha kuwa luugu kalsonaanta badan yahay, waxayna faracyo badan ku leedahay wadamo badan oo daafaha dunida.

v Pfizer sharkadan waa sharkad laga leeyahay America, New York.

Mid ka mida dawooyinka ay soo saarto pfiszer

Waxa ay ka mid tahay sharkadaha ugu sareeya xaga samaynta dawooyinka, waxa la asaasay shirkadan [1849].

waxayna faracyo badan ku leedahay aduun waynaha waxa ayna wadamada siisa liisanka daawo samaynta iyada oo wadanku qadanaayo magaceeda marka uu wadan samaysanayo daawo.

Dawooyinka ay sharkadani soo saarto aya ka mid ah kuwa ugu qaalisan uguna waxtarsan Aduunka,

Bayer waa sharkad la asaasay qarnigii 20aad bilowgiisi sharkadan waxa u fadhigeedu yahay Germany.



Wadankan oo ah ka casrigan aynu joogno dhanka cafimaadka hogaaminaaya ee u haysta xaga samaynta dawooyinka iyo qalabaadka cafimaadka.

Sido kale waxa jira suuqyo ay somalidu leedahay lakin asal ahaan ka duwan sida kuwa hore uso sheegnay. qaab ganacsiyeedka ay somalidu uga ganacsato gabi ahaanba waa mid ka duwan ka dunida ka jira marka la eego dhanka soo dajinta qaybinta iyo iibsashada dawooyinka.

 Waxayna ku hoosaysa dhanka xil iska saarida iyo ka warhaynta badqabka tayada dawada marka loo barbar dhigo aduunka kale.

Sharkadaha caalamka ka jira ee ka ganacsada dawooyinka waxa loo jideeya qorshe iyo nidaamka laga rabo in ay ku ilaaliyaan dawada tayadeeda, heerkulkeeda iyo ibinteeda.

Waxaana ganacsigooda badankiisa indhaha ku haya dawladaha wadanka ay joogaan.

Ka ganacsiga dawooyinka waa mid u baahan aqoon iyo masuuliyad buuxda waanu ka duwan yahay ganacsiyada kale waxa aanu u bahanyahay ilaalo iyo taxadir dheeraada oo ka duwan ganacsiyada kale oo dhan.

 

 Habraacyada looga baahan yahay ganacsadatada dawooyinka

  •  warqada ogolaanshaha dawladda.
  •  Shahaadada barashada dawooyinka.
  •  Khibrado iyo waayo-aragnimo xaga dawooyinka ah.
  •  Boos ku haboon dawooyinka marka laso dajiyo in la dhigo.
  •  Gawaadhida ay ku xidhan tahay qaboojiyasha lugu talo galay daawada.

 

Sida aynu kaga soo sheekaynay qodobada sare waa furaha u saamaxaya in ganacsaduhu dawooyinka soo dajiyo.

Waa habraacyo caalami ah oo hadii mid lawaayo ay mesha ka baxayso badqabkii dawadu.

hadii lawaayo badqabka daawada waxa dhacaysa in bukaanka ay soo gaadho daawo aan tayo lahayn isla markaana ay timaado jaahwareer cafimaad daro oo ay dadkabu xanuunada ka bugsan wayaan dhakhaatiirtuna ku dawakhaan dawaynta qof oon bugsanaynba.

Ganacsadaha haysta shuruudaha sare ee lugu talo galay qofka daawada ka ganacsada waxa u buuxiyay shuruucdi caalamiga ahayd ee ganacsiga dawooyinka u dajisanayd waanay u fududaanaysa inu ka ganacsado.

Inta badan suuqyada somalida waxa ku badan in aanay shuradaahas u dhamaystirnayn waana sababta keenta inta badan dawooyinka wadanka so gala qaar ay bukaan ka iyo bulshada oo dhami ka dayriyaan, sido kale bahwaynta caafimaadku ka jaahwareer san yihiin sidii xal lugu heli lahaa dhibkan.

Xalinta dhibaatooyinkan oo kale waxa masuul ka ah aqoonyahanka khibrada u leh dawooyinka iyo dawladda oo iska kaashada sidii shuruudahaas loo buuxinlaha loogana ilaalin laha dawada dadka aan aqoonta u lahayn in ay ka ganacsadaan.

Wadamada ay somalidu dagto dhibkani wuu ka jira xalna looma helin waxaana daawo xumida ku khaasara qaba oo ku nafwaaya bukaankasta oo somaliyeed.

Inkasta oo ganacsatada somalidu ay waqtiyo badan kuso dhex jireen ganacsiga iyo daawo keenida isla markaana u soo maray heerer kala duwan oo midba midkii uu ka danbeeyay ka fiicna oo ay soo fahmayeen ilaalinta tayada dawada hada waa mid dhexdhexaada intii ay soo galeen dadkii aqoonta u lahaa daawada.

Dhanka kale waxa kor ukacay dadka ka ganacsada dawooyinka sidaynu hore u sheegnayba ka ganacsiga dawooyinku wuu ka duwan yahay ganacsiyada kale maaha ganacsi cidkastaaba faraha galiso.

Ganacsadaha caadiga ah waxa uu awood u leeyahay in waxyabaha uu keenayo aanu taxadir fara badan iska saarin, dhanka kale ganacsadaha dawooyinka uu ka musuuliyad badan yahay ganacsatada kale.

Ganacsatada dawada keenaysa waxa ay ukala samcad wanaagsan yihiin hadba sida ay ukala tayo wanaagsan tahay dawada ay kenayaan.

Daawo kasta oo soo Marta habka tayo dhawrka iyo hanaanka lugu talo galay in ay daawo marto. hubaal dawadaasi marka ay bukaanka gaadho waa u ku dawoobayaa.

Heerka tayada dawada looga baahan yahay qaar ganacsatada ayay waajibku tahay qaarna dawladda ayay waajib ku tahay.

Ganacsatada waxa ay masuuliyad ka saran tahay in ay ganacsigooda u xulaan dad aqoon ahaan u dhisan sidii uu keeni lahayeen suuqa dawooyin tayo leh.   

Si xidhiidh ula sameeyan cida ugu saxsan ee haysata habraacyada saxa ah iyo sharkado la isku halayn karo tayada, soosarista dawooyin tayo leh.

Arinta kale ku waajibtay ganacsatada ayaa ah in ay ilaaliyaan dawada tayadeeda inta ay kasoo gaadhayso wadanka ay keenayaan inta u dhaxaysa halka lagaso qaaday daawada iyo wadanka la keenayo masaafadaas ayay tayada dawadu ku baaba’daa sababo la xidhiidha cimilada.

Dawladu waa booska ugu muhiimsan ee aanay ka maarmin marnaba ilaalinta tayada dawada, waxa ay tahay inay dawladu qaybo gaara ay ugu talo gasho ilaalinta tayada dawada iyagoo u shaqeeynaaya nidaam ka madax banan musuq ama wax isdaba marin, eex, iyo dhibaatayn lugula kaco ganacsatada daawada.

Isla markaana waxa muhiima in waaxda u xil saaran ilaalinta tayada dawada ay samayso maamul daadajin ku saabsan sidii wadanka oo dhan luugu baahin lahaa shaqaalaha ilaalinta badqabka iyo kawar haynta xaruumaha kaydinta dawooyinka iyo kuwa lugu iibiyo.

Markaana waxa waaxda shaqadan u xilsaaran u fududanaaya in ay ogaadan dawooyinka wadanka soo gala oo dhan meelaha lugu iibiyo iyo cidkasta oo sharci u haysata iibka iyo soo dajinta dawooyinka.

Labadaas masuuliyadood oo sidaas ku ilaashama ayaa guul u ah bukaan ama muwaadin kasta oo u baahna daawo.

 

 Suuqa madow iyo suuqa sharciga ah ee dawooyinka.

 

Dunida waxa jira laba suuq oo is barbar socda suuq waa suuq sharciyaysan oo ay nidaamyadooda oo dhami ay ku salaysan yihiin xeerarka iyo qawaaniinta saxda ah ee dawladuhuna isku waafaqsan yihiin.

Suuq waxa jira loo yaqaano suuqa madow kaas oo ay ku kala ganacsadaan dad badan oo ku nool daafaha caalamka waana ganacsiyada ugu halista badan ee saamaynta ku leh dawooyinka iyo bad qabkoodu.

Dadka ka ganacsada suuqa madow gaar ahan dawooyinka waa dad aan aqoon ahaan u lahayn samaynta, dhoofinta, iyo qaybinta dawooyinka.  

Marka ay iskaashadaan qodobadan aan fiicnayni Iyo aqoon la’aan shaqada ay gacanta ku hayaan waxa dhacaaya.

  •  Damac hanti urursi.
  •  Xilkasnimo la’aan.
  • Daawo dusha uun daawo ka ah.

Hadii intaasiba iskugu biiraan ganacsiga waxa ay boog madow ku tahay shayga ay soo saari doonan dad nocaasi ah, gaar ahaan dawooyinka oo ah kuwa ugu saamaynta badan caalamkana xooga lasaaro in la ilaaliyo tayadooda iyo dhamaan hababka ay marayaaan.

Suuqyadada aan sharciga ahayn uma baahnid in aad sharci martid iyo in aad dawlad la xidhiidho, kaliyaa waxa aad u bahan tahay in aad haysato lacagta aad hawsha ku galayso.

Waxa cad sida magaca mawduuca ganacsiga madow kaaga muuqata marnaba kuma soo saarayso tayada dawada aad u bahan tahay. waanay ka qiima jaban tahay dawada sharciyaysan sababtoo ah xaga tayada oo hoseeysa.

Tayada dawoyinka aad ayay u hooseysa sida wadamada afrikanka gaar ahaan wadamada dhaqalahoodu hooseyo gaar ahaa geeska afrika iyo wadamo kale oo badan oo ka tirsan Africa kale.

Waxa si wayn uga shaqeeya suuqa aan xaalaasha ahayn oo dad badan oo Somali ah iyo ajaanib iska kashadaan kana ganacsadaan, dhibka ugu badana waxa u ku dhacaa dadwayanaha iyo bukaanka isticmaali doona dawooyinkaas.

In ay ganacsatadu bulashadooda usoo doraan daawo tayo leh waxa ku xidhan sharaftooda iyo kor u kaca samcada dawadooda.

Comments

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya