waa maxay waxyaabaha ugu waawayn ee sababa macaanka?

 

Xanuunka macaanka



§  Sedex nooc oo lo qaybiyo macaan ka.

§  Dadka u nugul inay qadaan macaan ka.

§  Xanuunada ay qaadi karaan dad qaba macaanka.

§  Calaamadaha macaanka lugu garto.

§  Waxyaaba ugu wawayn ee sababa macaanka.

§  Sida looga hortago macaanka.


Xanuunka macaanka waa marka ay sonkortu ku fido qulqulka dhiiga jidhkaaguna aanu awoodin in u kasaaro dhiiga ama uu isticmaalo sonkorta.

Dhecaanka u ganacu soo daayo ayaa maamula sonkarta jidhka oo galiya unugyada yaryar ee jidhka si looga sameeyo nafaqo iyo awood u qofku isticmaalo.

hadii aanu ganacu shaqaynayn waxa ay ka dhigan tahay in qof kaasi qabo sonkarow ama macaan.

§  Sedex nooc oo loo qaybiyo macaanka

v Type 1 diabetes

Noocan oo ah mid qofka markasta ku dhici kara ayaa sababa unugyada difaaca jidhku in ay dilaan xubinta ganaca oo ah meesha soo daysa insulin ta oo maamusha macaanka jidhka so gala, dadka qaba noocan macaanka waxa ay si joogta ah u qadanayaan irbada insulin ta oo iyadu marka lugu mudo awood u leh in ay u shaaqayso sidii tii ganacagu soo daynaayay oo kale.

 

v Type 2 diabetes

Noocan macaan ka ah waa marka aanu jidhkaagu samayn Karin insulin ta waxa u ugu dhici Kara waqti kasta oo cimrigaga ah.

Inta badan xanuunka qaybtani waxa uu ku badan yahay dadka da’da dhexe ku jira, macaankana qaybtan ayaa ugu caansan.


v Macaanka uurlayda (Gastational diabetes)

macaanka uurlayda.

Qaybtan waxa ay inta badan ku dhacaa dumarka marka ay uurka leeyihiin qaybtani marka ay gabadhu dhasho uu ka tagaa, dumarka u ku dhaco noocani waxa ay u nugul yihiin in ay qadaan ama halis ugu jiraan type 2 diabetes.

 

Dadka u nugul ee qaadi Kara xanuunka macaanka

(Type 2 diabetes)

  • Dadka ay da-doodu gaadhayso 45jirka iyo wixii ka wayn sida-
  •  Dadka misaankoodu ka sareeyo intii luugu talo galay.
  •  Dadka hore ay reerkooda ama waalidkii lahaan jiray ama leyahay.
  •  Dhaqdhaqaaq la’aanta jidhka sida jimicsi la’aanta.

Xanuunada ay qaadi karaan dadka macaanka qaba

 Wadna xanuuun.dhiikarka kuso boodada ah. (stroke)

  • v Kalyo xanuun ka.
  • v Indho xanuun (daciifka aragtida)
  • v Ilko xanuun.
  • v Neerfa xanuun (nurve damage)
  • v Luga xanuun.

Calaamadaha macaanka lugu garto

  • v Qalaylka iyo haraadka oo bata.
  • v Kaadida oo badata.
  • v Gaajada badan.
  • v Daal badan.
  • v Aragtida oo khafiifta.
  • v Gooboyin kaso baxa jidhka oo aanan buksanayn.
  • v Miisanka oo si degdega u dhaca.

Calamadaha nooca kowaad ee macaanka waxa loo arka degdega oo wiig ama laba wiig,

xaga macaanka qaybta labaad ay calamahoodu so daahan ama aan hore loo arag sida 6bilood ama wax ka badan inay qofku aanu dareemin isago leh macaankii.

 

Nooca kowaad ee macaanka (type 1 diabetes)

Waa marka ay unugyada difaaca jidhku iyagoo la dagaalamaya caabuqa jidhka so gala ay ku daraan in ay layaan unugyada insulin ta soo saara ee ganaca ku yaala,

Inta badan macaanka qaybtan ayaa ah mid ku yimaada khalkhal ka yimid hidasidayaasha,  

 

Nooca labaad ee macaanka (type 2 diabetes)

Waa nooca ugu caansan qaybaha xanuunka macaanka waxaana sababa degaanka qaab noleleedka qofka iyo khalkhal ku yimaada hidasidayaasha,

Waxyaabaha ugu waawayn ee sababa

ü Buurnida iyo jimicsi la’aanta.

ü Iska caabinta insulin ta.

ü Khalkhalka ku yimada hida sidayasha.

 

Ø Buurnida. (misaan ka xad dhaafka ah)



Waxa si sahala kugu dhici Kara xanuunka macaanka marka aadka aad buuran tahay iyo marka aanad jimicsiyo aanad samayn,

Misaanka badan iyo laalaadyada jidhka ku samaysma ayaa iska caabiya insulinta dabeeciga taas oo keeni karta in ay insulin tu dhiiga raacdo,

 

Ø Iska caabinta insulin ta.

hadii ay muruqyada iyo beerka iyo unugyada baruurta ah isticmaali karin sidii saxda ahayd ay keenayso macaan, jidhkaagu waxa uu u baahan yahay in uu helo xadi aad u badan oo insulin ah taas ka cawinaysa in glucose tu ay gasho unugyada jidhka, hadii aanu ganacu samaynayn xadi ku filan oo insulin ah waxa jidhka galayaa xadi badan oo macaana glucose sidaasna qofka hadi laga cabiro la arki karo glucose ta oo kacsan.

Ø Hida-sidaha iyo dadka ay reerkoodu hore ulahayeen macaanka.

DNA

Waa ay sahlan tahay hadii hide sidayashu keenan khalkhal ku yimaado macaanku sido kale dadka aadka ugu nugul ayaa ah dadka qoyskoodu hore u lahayeen xanuunka macaanka,

Iyada oo aynu ognahay in qoyska hore u lahaa macaanka ay khatar ugu jiraan in uu ku dhaco kuwa ay dhalaan sababtuna ay tahay hide sidayaasha,

Waxa jirta talaabooyin laqaado oo yaraynkara in uu xanuunkaasi dhaco ama so deg dego,

  • v Cuntooyinka isku dheeliga tiran.
  • v Cabitaanka biyaha joogtada.
  • v Jimicsiga noockasta ha ahaado.
  • v Ilaalinta in uu xadka dhaafo miisaanku.
  • v Yaraynta milixda badan iyo sonkorta.

 

Talabooyinka aynu kor kusoo xusnay waa kuwa ugu macquulsan ee qof kastaaba kaga badbadi karo xanuunada hidaha ah iyo kuwa kaleba,

Waxyaalaha kale sahli Kara in xanuunka macaanku qofka ku dhaco.

·       Dhecaanada jidhka oo khakhal ku dhaco.

·       Dawooyinka qaar ayaa ayaa keeni kara.

·       Ganaca oo qofka dhawac ka gaadho ama laga saaraba.

 

Sida looga hortago macaanka

Waxa aad qaadi kartaa talabooyin badan si aad uga hortagtid xanuunka macaan qaybta labadaad.

  • v In aad misaankaaga hoos u dhigtid hadaad buuran tahay.
  • v Inaad yarayso cuntooyinka chlories ka aad qadanaysid oo ah cuntooyinka daqiiqda iyo macmacaanku ku badan yahay.
  • v Inaad qaab ahaan jidhkaaga dhistid makastaba oo aad jimicsi badan samayso sida socodka dheer iyo jimicsiyada kale ee fudud.
  • v Inaad lasaxiibto kalkaliyaasha iyo bahda cafimaadka si aad uga hesho talooyin iyo dawooyinka,
  • v Xanuunadada kale oo halkii luugu talo galay ku ilaalisid dawadoodana aad siwacan u qaadatid.
  • v In aad waydiiso bahda cafimaadka ama dhakhtarkaaga dawooyinka keeni kara khatarta macaanka iyo waxkasta oo sababa.





Comments

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya