Sidee loola saxiiba bukaankaaga?
Akhlaaqiyaadka hawl wadeenada cafimaadka
· 1- La saxiibida bukaanka.
· 2-Go’aan qadashada iyo dhiirigalinta bukaanka.
La saxiibida bukaanka
Bahda cafimaadka waxa la gudboon in ay ogadaan in uu yahay
bukaanku qof dhibane ah oo jilicsan una baahan in la caawiyo.
Caawinta
iyo u adeegida qofka bukaanka ah waa shaqo iyo masuuliyadku saaran
marna waxa ay tahay adeeg bani adaanimo oo qofkasta cafimaadka waxka bartay saaran.
Meelnaba aduunka luguma arag waana ka danbi iyo xagjirnimo in qofka bukaanka la fogeeyo siyaabo dhaqaale ,jinsi ama kala duwanaasho midab,qolo’qolo.
Waxyaabaha
ugu farxada badan ee keena daganaanshaha iyo farxada shaqada dhexdeeda ayaa ah
in aad ka dhigato saaxiib bukanadaada la qososho, waqtina aad siiso marka aad
shaqada ku dhex jirtid.
Bukaanku
waxa uu arkaya in aad tahay qof shaqadiisa u daacada, aqoon leh islamanimadiisa iyo
baniaadamnimadiisu sarayso waanu ku qancaya shaqada aad u hayso.
Kalsoonida
ka dhalata is fahan shaqaalaha iyo bukaanka waxa ay horseeda in uu bukaanku
dareemo daganaasho iyo raynrayn cafimaad oo dhamaystiran.
Bukaankasta
waxa muhiim ah in uu yeesho hal daawoyaqaan, sababtuna waxa ay tahay in aad samaysato
saxiib dareemi Kara warna ka haya xalaadada cafimaad.
Xaalad
kasta oo kugu soo koradha xaga xanuunada waa in bukaanku u gudbiyaa saxiibkiisa, daweeyihiisa,
dhakhtarkiisa si looga gaadho khatarkasta oo xanuunku keenayo.
Macluumadkaga oo dhamaystiran marka uu dhakhtarku hayo waxa u sahlananaysa in uu markasta oo
meel ku xanuunto ama xanuunadadu kacaan uu markiiba dajiyo una sahlaanaato in u
ku caawiyo kana badbaadiyo xaaladkasta oo khatara oo aad galilahayd.
Wada
shaqaynta bukaanka iyo shaqaalaha cafimaad ee dawo siinta iyo nadaafada waxa ka horeysa in ay is fahman iskuna kalsonaad.
Waxa aad
inugu yar xaga dhaqanka somalida is dhexgalka iyo wada shaqaynta bukaanka iyo
shaqalaha cafimaadka gayiga somaalida waxa aad moodaaba in dadka shaqalaha ay u
arkayaan bukaanka in uu yahay cadow ay dawaynayaan marka aad aragtid sida ay ula dhaqmayaan
bukaankooda.
Mana wada aha shaqaalaha iyo goobaha cafimaadka lakiin waa sida ay u badan tahay.
In badan
oo aan kusoo dhex jiray bahwaynta cafimaad ka gaar ahaan cusbitaalada kuwa
gaarka loo leeyahay iyo kuwa ay dawladu leedahayba arintani waxa ay ahayd mid
aan arkayay markasna aan jecelahay inaan ku wacyi galiyo hawl wadeenada
cafimaadka ee aan ka mid ahay inay ka waantoobaan arintan.
Waxa aad
arkaysa shaqaale lugu talo galay daawosiinta xananaynta iyo farxad galinta
bukaanka oo la dagalaaya bukaankiisi.
Bukaanku markiisa hore ee aanu xanuunsan waxa uu ahaa qof sida dadka kale ba caadi ah, lakiin qofku marka uu xanuunsado wuu is badalaya dabeecad ahaan iyo dhaqan ahaan.
Dagaanasho dheerad ah ayaa looga baahan yahay shaqaalaha caafimaadka iyo in uu
siiyo xanaanayn iyo ilaalin dheeraada bukaankooda.
Shaqaalaha
caafimaadka waxa lugu dhaariyay markii ay ka qalin jabinayeen kuliyada
cafimaadka in uu ugu shaqayn doono bulshadiisa si cadaaladda ku dhisan.
Isla
markaana waa in aanu ilaawin dhaarta iyo axdiga si hufnaan iyo sinaan lehna ugu
shaqeeya bukaanka.
Go’aan qaadasha iyo dhiiri galinta bukaanka
Marka
aad tahay shaqaale cafimaad waxa kugu waajiba in aad cilmiga aad baratay ugu
hiiliso bukaanka iyo bulshada hadba gayiga aad ku nooshahay iyo goobta aad ka
shaqaynayso.
Bukaankasta
waxa uu baahan yahay dhiiri galin iyo tabo tusaalayn ku saabsan cafimaadkooda.
Marka
aad tahay qof wax bartay waxa muhiima in aad ka war hayso bukaankaaga sida
waqtiyada u dawooyinka qaadanayo iyo saxida qaladaadka ka yimaada dawooyinka ay
qaadanayaan.
Go’aan kastana
waa in aad u gaadhaa si waafaqsan aqoontaada wixii aqoontaada ka baxsana waa in
aad la kaashata dadka kaga cilmiga iyo khibrada badan.
Qofkasta
oo bukaan ah waxa uu baahan in u lasocdo dhaqdhaqaaqa caafimaad ee ay naftiisu
u baahan tahay, sida inu 6dii biloodba sameeyo tijaabo shaybaadh oo
dhamaystiran,
Qofka shaqaale
caafimaadka waxa la gudboon dhiiri galin in uu siiyo bukaanka sida in uu
usheego bukaanka danaha gaarka ah cafimadka iyo muhiimada qofka bukaanka uu
dunidan u leeyahay iyo xilka cafimaad ahaan ka saran, marka uu
intaas ogaado bukaan kastaba waxa uu ogaanaya in aynu garab taganahay lana
dareemayno xanuunkiisa waana dhiirigalin u dhiganta dawo.
Waxa
jira dhibaatooyin badan oo qofka bukaanka laso darsa mararka uu dareemaayo
xanuun.
Xanuuno
dheereedka ee so baxa waxay u baahan yihiin in qofka cilmiga cafimaadka bartay uu
ogaado kalana taacaalo bukaankiisa.
sida;
- Niyad jab.
- Werwerka.
- Walaac.
- Hurdo la’aan.
- Xasilooni daro.
Dhamaan qodobada
aynu kor kuso sheegnay waa xanuunada dheeraadka ah ee kuso biira marka qof
bukaan ah xanuun ku dhaco ha noqdo mid sahlan ama mid daran.
Tusaale
ahaan waxa ku dhacay qof bukaana xanuunada lala noolaado ama loo yaqaano
dilaayada qarsoon.
-Macaanka, dhiikarka ama xanuunada ku dhaca dhiiga iyo xubnaha sida cancer-ka iyo HIV-AIDS ka.
Xanuunadani marka ay qofka ku dhacaaan qofka waxa lasooo darsa xanuuno kale oo dheeri ah kuwaas oo qofka dhaawac dheeraada ku yeesha ,
sida in ay khalkhaliyaan dheecanadiisa oo
markii hore een xanuunka lugu sheegin dagaana, xaaladan waxa muhiima in qofka
dhakhtarka ama kalkaliyaasha cafimaadku ay ka warhayaan oo feejignaan ka
yeeshaan oo ay dajin dheeraada siyaan bukaanka.
Cilmi
nafsiga ayaa ah midka inta badan ka hadlaaya xaaladan iyo sida loolataacalo bahda cafimaadkuna intooda badan waa garanayaan.
Qofkasta
oo bartey cafimaad ahna aqoonyahan cafimaadka waxa ku jirta waxbarshadiisa cilmi nafsiga oo lugu talo galay inay ka caawiso isdhexgalka iyo
fahamka bukaanka.
Waligaa ma aragtay shaqaale cafimaad oo si xun ula dhaqmayaan dadka bukaanka?
Nala wadaag fikirkaaga
tababar cafimaad oo gaara hadaad u baahan tahay nagalaso xidhiidh>
Health couching whats up
Comments
Post a Comment