Cabitaanka coffee ga iyo Dhiikarka khatar ah

 

Cabitaanka coffee ga iyo Dhiikarka khatar ah



Maalin wanaagsan saxibayaal

Inkasta oo dad badan aanay subaxnimadooda bilaabi karin coffee la'aan, hadana waxa laga digay in la xadiido inta jeer aad cabaysid maalintii iyo inta koob ee aad cabaysid.

Cilmi baadhisyo ayaa sheegaya cabitaanka 2 koob iyo inka badan oo coffee ah gaar ahaan dadka qaba dhiikarka khatar ay kor u qaadayso heerka dhimashadooda, marka loo barbar dhigo dadka qaba dhiikarka een cabin coffee ga.

Dhiikarku waxa u yimaada marka ay badan tahay cadaadiska dhiigaaga ee maraaya dhuumaha dhiiga qaada.

Qaab nololeedka aan wanaagsanayn waxa uu kor u qaadaa xanuunka dhiikarka, sida ina aad cunto cuntooyinka subaga iyo saliidu ku badan tahay, in anaad jimicsi samayn joogta ah, sidoo kale hadaad leedahay xanuunka macaanka waxaad halis ugu jirtaa inaad qaado xanuunka dhiikarka.

Dhiikarku waa laba tiro iyaga ayaana cabirka laga qaaata.

https://www.heart.org/en/health-topics/high-blood-pressure/understanding-blood-pressure-readings



Tirada saxda ee luugu talo galay (inu ka yarado 120 /inu ka yarado 80).

Dhiiga yara kacsan (120-129 / 80)

Dhiikarka qaybta 1aad (130-130/80-89)

Dhiikarka qaybta 2aad  (ka badan 140/ka badan 90)

Dhiikarka xun (180/120)

Dhiikarku waxa uu noqon karaa dilaa qarsoon ilaa aad adigu aad iska eegto ama aad dhakhtar u tagto.

Marka la dawayn waayo dhiikarka waxa uu sababa wadna xanuun degdega iyo faalig. hadii qof laga helo dhiikarka waxa lugu dawayn karaa in qaab nololeedkiisa wax laga badalo ama in daawo loo bilaabo sida ACE inhibitors and calcium chanel blokers.

Coffee waxa uu khatar galiyaa dadka qaba dhiikarka.

Cilmi baadhis la sameeyay ayaa sheegaysa dadka qaba dhiikarka ee caba 2 ilaa 3 koob oo coffee ah maalintii ay u dhintaan wadna xanuun (cardiovascular) marka loo barbar dhigo dadka dhiikarka qaba een cabin coffee ga.

Sidoo kale cilmi baadhista waxa lugu sheegay cabida 1 koob coffee maalinkii in aanay wax saamayn ah ku lahayn dadka qaba dhiikarka noocyadiisa kala duwan.

Sidee ayuu coffee gu u kiciyaa dhiiga.

Coffeine waa maadada uu ka samaysan yahay coffee waxay dhuubitaan ku samaysaa xididada dhiiga waxaanay kor u qaada garaaca wadnaha, halkaasna waxa ka dhalanaya cadaadiska dhiikarka.

Dadka qaba dhiikarka miyay iska ilaalinayaan coffee?

Dadka qaba dhiikarka waa in ay aad u jimicsadaan marka ay cabaan coffee lkn muhiim ma sii aha in ay joojiyaan coffee ga.

Waa in marka ay cabaan 3sacadood kadib ay cabiraan dhiigooda.

kolba inta ay ka cabto iyo saamaynta uu ku yeelanaayo dhiigaaga ayaa isku xidhan.

Goorma ayaad iska ilaalinaysa coffee ga?

Dadka qaar ayaa yeesha hurdo la'aan iyo isku buuq badan marka ay cabaan coffee, wadna garaac iyo laan jeex, qofkasta oo isku arka caalamadahaas waa in u iska joojiyaa cabida coffee.

Badalka coffee ga.

  • chicory coffee
  • dandelion root coffee
  • rooibos tea.
  • yerba mate
  • roasted barley

talo; kuma odhaanaayo jooji coffee cab lkn yarayso.











Comments

  1. Barigiii hore aadban u cabijray lkn imaka waan yaraynaaa

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

10 siyaabod ood kor ugi qaadi karto Testosterone (dhecanka raganimada) dhecaanka guusha.

10 Siyaabood oo lugu yareeyo naqaska caloosha ama IBS

Maxay hablaha somalidu buurnida ku jecel yihiin? maxaa qofka ku dhacaaya