10 siyabood ood ugu eekaan karto mid soo jidasho leh
Sidee ayaad ugu ekaan kartaa mid yar oo qurxoon
Maxay ka micno tahay da'dda soo jiidashada leh?
Qoraalkan waxaad ku ogaan kartaa in aad ku jirtid wadadii degdega, gabowga iyo Calamadaha gabowga iyo in aad tahay mid cafimaad qaba oo qaab ahaan iyo muqaal ahaanba soo jiidasho leh.
Inaad 20 jir u ekaatid kaliya maaha muqaal soo jiidasho leh, waa inaad u nolaato si cafimaadkaga jidh ahaan iyo muqaal ahaanba.
Ma qurux badnaan doontid hadaanad cafimaadkaaga gacanta ku hayn.
xeeladaha luugu ekaado mid da' yar hadana soo jiidasho leh
Isticmaal xeeladahan si aad ugu ekaatid mid gudo iyo dabadba qurxoon;
1- Maqaarkaaga daryeel
Maqaarkaagu waa unuga ugu wayn xubnahaaga kale ee jidhkaagu ka samaysan yahay, waxa uu u baahan yahay ilaalin iyo xanaanayn dheerada.
- isticmaal faytaminada qurxiya maqaarka sida vitamin E, fish oil, collegen.
- isticmaal dhaashiyada lugu talo galay inay nafaqeeyaan maqaarka.
- isticmaal suncreaam ee lugu talo galay inu ka ilaaliyo cadceeda badan.
2- Jimicsiga
Jimicsiga joogtada ahi waxa uu hoos u dhigaa inay kugu dhacaan xanuunadu sida wadna xanuunka, cancerka, macaanka iyo baruurta. jimicsigu waxa uu ku joogtaynayaa maqaarkaaga mid dhisan oo qurxoon inta aad nooshahay.
Jimicsigu waxa uu hoos u dhigaa;
- isku buuqa maskaxda.
- waxa uu kor u qaada hurdada.
- wuxu qurxiyaa maqaarka.
- wuxu dhisaa lafaha.
- wuxu kor u qaada farxada.
-isbuuci waxa wanaagsan in aad 5 sacadood ka jimicsato.
Jimicsiyada fudud waxa kamidaa;
- dabaasha
- socodka
Dadka waa wayn waxa fiican inay xooga saaran socodka iyo cuntooyinka isku dheeliga tiran.
3- Cuntadaada ilaali
Cuntadaadu waa ta ugu muhiimsan marka aad doonayso in muqaalkaagu qurxoonaado,
waa inaad isticmaasha ;
- fruits iyo vegetables.
- cuntooyinka protain ka leh, kaluunkaiyo biiniska.
- laxooxda, bariiska, baastada adiga oon iska buux dhaafinayn.
- caanaha iyo jiiska uu ku yaryahay dufanku.
- saliida iyo baruurta la ogol yahay (sida olive, canola, sunflower, soy, and corn), nuts, seeds, and fish.
4- Cafimaad qabka maskaxdaada
Inaad faraxsanaato oo iska ilaaliso isku buuqa waxay ku horseedaysaa nolol farxad leh sido kale da'yaraan.
Sidan kor ugu qaad cafimaadka maskaxcdaada;
- Waqti la qaado ehelkaaga iyo asxaabtaada aad jeceshay, xidhiidhada macnaha samaynaaya iyo inaad ahaato qof bulsho badan ku xidhan waxay ku horseedaysaa cafimaad qab maskaxeed iyo mid jidheed.
- Waa inaad aqbashaa da'da aad tahay, waa in aanay caqabad iyo isku muuq kugu noqon warawar aad ka qabtid inta aad jirtay, waxa aad uga faaidaysataa waayo aragnimo inaad farxad ku qaadatid waqtigaaga.
- Markasta qabo waxa aad jeceshay, hadaad isku daydid inaad waqti galisid wax aanad jeclayn oo aad ku celcelisid waxa ay maskaxdaada ku keenaysaa culays balaadhan oo keeni kara degdega caalamadaha gabowga.
5- Hoos u dhig isku buuqa
Isku buuqa iyo fikirka badan ee maskaxda ku yimaada waxa sare u qaada in lasoo daayo Dheecanada gabowga sababa iyo in jidhkaaga uu ka muqdo culays badan oo dadka oo dhami kaa dareemi karaan.
Waxa jira habab la cadeeyay oo hoos lugu dhigi karo isku buuqa;
- salaada, waxa aynu wada ogsoonahay in ay salaadu tahay dajiyaha ruuxda gaxeeyaha hamiga badan.
- yoga .
- jimicsiga.
- hurdo kugu filan.
- inaad dhibkaaga la wadaagtid qof aad aminsan tahay si aad u nafistid.
6- Jooji qaadka iyo sigaarka
Qaadka iyo sigaarku waxa cad in ay keenaan calamadaha gabowga ee soo degdega iyo in ay soo dedejiyaan xanuunada oo dhan.
- waxay sare u qadaan soo jeedka qofka iyo hurdo la'aanta.
- waxay burburiyaan hab fikirka qofka.
- waxay qofka ku sameeyaan madow badan oo ah fadhiga dhiiga iyo sunta ku jirta.
- waxa ay burburiyaan nafaqada qofku haysto.
7-Hurdo kugu filan seexo
Inaad hurdo kugu filan seexataa waxay u fiican tahay qaab ahaantaada iyo maskaxdaada, Waxaanay kor u qaada nasashada iyo quruxda maqaarkaaga.
Intee in leeg oo hurdo ah ayaad u baahan tahay? waxa ay ku xidhan tahay kolba da'dda aad tahay 18 jir iyo wixii ka wayn waxa ay u baahan yihiin 7 ilaa 8 sacadood hurdo ah.
Inaad hurdo fiican sexataa waxay u fiican tahay;
- waxay hoos u dhigta wadna xanuunka iyo faaliga.
- waxay hoos u dhigaa isku buuqa iyo niyad jabka.
- waxay hoos u dhigaa khatarta naaxitaanka.
- caabuqa ayay ka hortagtaa.
- waxay kor u qaada fahamka iyo wax soo saarka qofka.
8-Biyo fiican cab
Inaad biyo kugu filan cabto waxa ay kor u qaadaysa awooda jidhkaaga iyo shaqada maskaxdaada.
Waxa ay kadhigayaan jidhkaaga mid qorxoon, waxanay hoos u dhigayaan calaamadaha gabowga.
Biyaha aad u baahan tahay waxa ay ku xidhan tahay;
- inaad haradadan tahay.
- shaqo adag oo aad qabatay.
- hadii aad kaadi badan ka baxdo.
- dhidid badan haduu ka yimaado.
Biyuhu waa nolosha kowaad kamana maarano jidhkeenuna ma shaqayn karo biyo la'aan awgeed. hadaad tahay dadka aan biyaha cabin maanta bilow oo baro sida biyaha loo cabo.
9- Afkaaga ka shaqee
Afkaaga oo aad ka shaqaysa kaliya kama hortaagna inaanad dholacayn, sidoo kale waxay kugu sababaysaa caabuqa ku dhaca ciridka kaaso sababa in aad qaado ilko xanuun, sido kale wasakhda afka een la nadiifin waxay sababaysa wadna xanuunka iyo oofta.
Si aad cafimaad qabkaga ilkaha u ilaalisid sanadkii hal mar la kulan dhaktarka ilkaha.
iska ilaali inaad weel wadaag noqotaan dadka qaba ilko suuska waxa aad si fudud u kala qaadi kartaan xanuunada afka iyo kuwa kale ee faafa.
10- dhakhtar la kulan
Inaad dhakhtarka la kulanto waxa ay ku sahlaysaa in xanuunka iyo cilada hore loo garto.
sida aad ugu baahan tahay dhakhtarka kolba waxa ay ku xidhan tahay da'daada, qaab nololeedkaaga, tariikh ahaan hadaad xanuuno lahaydeen, iyo xaalada marka taagan.
mahadsanid nagala soco.
Baraha bulshada kala duwan ee ku xidhan bogeena.
Follow garee websiteka si qormooyinka kale gmailkaaga kugu soo dhacaan
waxaan bixina tababaro cafimaad oo free ah.
Comments
Post a Comment