4 xanuun oo laga qaado daawada aan dhakhtar ku qorin.
Dawooyinka aan
dhakhtar ku qorin iyo dhibatadooda.
Marka uu bukaan qaato dawo, waliba dawadaas uu dhaafiyo intii lugu talo galay oo ah cabirka saxa ee dawadaas laga qaadan karo, ayaa ah mid qaldan una horseedi karta halis
cafimaad oo wayn iyo mid yarba qofka qaadanaya.
Drug
resistance- daawo laqabsi.
Dhibaatooyin ayay leedahay in dawada mudo dheer la isticmaalo iyadoo la dhaafiyo waqtigii luugu talo galay waxa dhici kara dhibatooyin ay ka mid tahay,
- Laqabsashada dawada.
- Sumowga ku yimaada qofka.
- Cuncun jidhka ah.
- Gastariga oo xad dhaaf ku noqda.
Dhibatooyinkaas
ay dawadu qofka ku samaynayso waa qaar inta badan aanay dawooyinku kawada
sinayn lkn waxa ay ka mid yihiin dhibaooyinka uu qofku la kulmaayo.
Laqabsiga daawo - kani waa qodobka ugu wayn ahna ka ugu muhiimsan. dawooyinka muda
dhaafkaa waxa ka dhasha laqabsi aanay qofkii dawadii waxba ka tarayn, sida in
ay dawayn waydo xanuunkii luugu qoray bukaanka.
Dawooyin
badan oo uu bukaanku wado mudo ka badan intii luugu talo galay waxay suurta
galinaysaa in bukaanku laqabsado dawadaas.
Dawooyin badan aad laqabsataana waxay kor u qaadaysaa in ay yaraadan dawooyinka aadku bugsanayso marka aad xanuunsato,
Waxaanad halis ugu jirtaa in laga dawayn kari
waayo xanuun yar kadibna aad udhimato xanuun ka.
Sumowga - waxa uu inta badan ka yimaada dawooyinka xad dhaafka loo
isticmaalay ama kuwa u jidhkaagu diiday sidoo kale waa marka bukaanku qaato
daawo lugu talo galay usbuuc ama 2ba usbuuc hadana uu wado bil iyo wax kabadan
waxa uu khatar ugu jiraa sumowga dawada.
sumowgu
waa in uu qofku maqaarkiisu badalmo oo u yeesho matag iyo yalaalugo hadii uu
kusii socdo oon laga gaadhin ama aanu dawada joojin waxay ay halis ku tahay in
uu miyir door soomo.
Cuncun - marka aad dawada ku yeelato cuncun waa marka uu jidhkaagu
diidaayo dawada, marka u bukaanku qaato daawada waxna ka badalo waqtiga
isticmaalka waxa dadka ku dhacda cuncun xaga jidhka cuntooyinka qaar oo u diido
taas oo ay sababayso daawada mudo dhaafka ah.
Gastric
ga - Nocan aya ah ta ugu khatarsan uguna
saamaynta badan ee ay keenaan dawooyinku. in uu qofku hore gaas u lahaa
iyo in ay dawadu ku sii kicisay labada waa uu noqon karaa.
Dhibka
ayaa ah in cuntada ay qofka u diidaan kuna sameeyaan olol badan amateedkiisana waxka badalaan.
Dhibatooyinka
dawada ay leedahay ee aanay ogayn dadkeenu waxa ka mid ah.
Dadka isticmalida dawooyin loo qoray bukaan kale.
Qof ayaa
daawo looga qoray cusbitaal ama dhakhtarka gaar ah uu qoray,
Islamarkaana
qofkii marka u ku ladnaado ayu bukaan kale oo isla sidii u xanuun sanaya qofkii
bukaanka ahaa kula talinaya bukaanka kale in uu isticmaalo dawadan uu isaguba
ku ladnaaday marka u qofkaasi isticmaalo waxa jira haliso badan oo qofkaasi ku
jiro kuna sababi karto.
Dawada
marka la bixinaayo ee qof bukaana lasiinayo waxa ay marta sababo loo siiyo
qofkan iyada oo qofka bukaanka lala yelaanayo su’aalo ama laga qadaayo
shaybaadh waxaana sida lugu bilaaba dawada bukaanka u jeedo cad mooye si kalena
looma siiyo.
Qofkaas
bukaanka ee bukaanka kale dawadiisaa isticmalaya waxa uu khatar ugu jiraa in
dawadaasi dhaawac u gaysato,
·
Maskaxdiisa.
·
Jidhkiisa.
·
Dareemayashisa kale.
Sababta
ay intaasba dhaawac ugu gaysanaya ayaa ah in ay tahay dawadan in ay tahay mid
qof kale lugu talo galay habka ay jidhka ula falgalayso iyo habka loo
isticmaalayo intaba.
Waxa
dhici kartaba in ay wax yeelayso dhibatana u gaysato xubnahaga iyo maamulka
jidhkaaga.
Tusaale - sheeko
dhacday- gabadh ayaa dhakhtar u qoray daawo dawadaas
oo xaga dhecanaada jidhka dumarka khakhalka kuyimaada loo isticmaalo,
Way
ku ladnaatay waanay ku ficnaatay isla markaana waxa ay kula talisay Nin isaguna
xanuunsanayay oo dhawr melood iskaga mid ahayeen in uu isaguna isticmaalo, mudo
markii u waday ayaa maalin uu dhakhar u tagay iyada oo dhibaatoyin badan kaso
gadheen khalkhalna u gaysatay cafimaadkiisi.
Waxaanu
tusay dawooyinkii uu isticmaalayay waxaana kamid ahayd dawooyinkii tii gabadhu
siisay halkiibana u dhakhtarkii aad ula yaabay unu sheegay in aanay dawadani
ahayn mid isaga lugu talo galay.
Nolosha
wax yaabaha ugu qaalisan waa cafimaadka qofka bani aadamka.
Marwalba
oo qofku si khaldan ama daawo aan loo qorin uu isticmaalo waxa uu halis ugu
jiraa in difaaca jidhkiisu la qabsado waxyaabaha xanuunka keenaya ugu danbayna
waxa ay ku sababi kartaa in qofkaas daawo lugu daweeyaba la waayo.
Marwalba
oo qofku ku xidhnaado dhakhtarka uuna yeesho cid uu cafimaadkiisa kala tashado
uguna so hagaago marka ay wax gaadhaan waa shayga ugu wanaagsan ee aan kula
talinayo qof walba oo doonaaya inu helo caafimaad dhamaysiran.
Comments
Post a Comment