4 faytamin oo hadii aad bilowdid ku siinaya quruxda jidhka iyo dhalaalka.
Faytaminadu waa hubka kaliya ee aad kula dagaalami karto xanuunada iyo gabowga degdega ah
Quruxdu waxa waxa ay ka bilaaban taa gudaha, cuntada iyo faytaminada waxa ay badali karaan muqaalkaaga sidoo kale nafaqooyinkani waxay si cajiiba u badali karaan sidu jidhkaagu dareemaayo.
waxa jira faytamino badan oo hab dareera ah jidhka loo mariyo, hadii aad afka qaadatana waa sida u cajiibsan ee aad moodid sidii sixirkii inu jidhkaagu isu badalaayo.
Cuntooyinka laga helo vitamin D.
VITAMIN D
Faytamin D waxa looyaqaana Faytaminkii qoraxda, ilaahay ayaa mahad iska leh jidhkeena u fadaydiyay inuu jidhkeenu ka qaato cadceeeda oo adeegsato. Hadaba cadceeda oo la isku dhigo waxay sababtaa in ay falaadhaha cadceedu si toosa ugu dhacaan jidhkeena taasina ay sababto cancerka ku dhaca maqaarka. Hadaba sidee ayay nu ku heli karnaa?
Vitamin D waxa hormoon ku milma baruurta (fat-soluble hormone) waxaana laga helaa baruurta kaluulnka iyo caanaha.
Vitamin D waa loo aqoonsaday inuu yahay mid ku yar dad waynaha aduunka oo dhan, vitamin D waxa la ogaaday in qofka isticmaala uu muqaal ahaan ka yar yahay 5 sano marka loo eego qofka aan isticmaalin.
VITAMIN C
vitamin c waxa uu ka hayaa jidhkaaga shaqooyin badan oo ay ka mid tahay cadaynta iyo dhalaalinta sido kale yaraynta dhiig roorka.
Waxa uu ka qayb qaata soo saarka maadada loo yaaqaano (collagen) oo ka qayb qaadata inuu qofku dayaraado.
sidoo kale vitamin c waxa uu qayb wayn ka qaata difaaceena waxa uu la dagaalamaa durayga waxa uu hoos u dhigaa faaliga (stroke).
Cuntooyinka laga helo vitamin A
VITAMIN A
Marka ay timaado dhalaalka wajiga vitamin A waa abaha dhalalinta jidhka, waxa uu kor u qaada in lasoo saaro unugyo cusub oo jidhkeena ah.
vitamin A waxa u ka kooban yahay maado la dhaho (Retiniod) waxay jidhka difaacda dhaawaca cadceeda, sido kale waxay ka qayb qadataa dhaymaha nabadarada sidoo kale waxay ka qayb qadataa in lasoo saaro collagen oo ah maadada jidhka ka ilaalisa calaamadaha gabowga.
vitaamin E waa quruxda jidhkeenaVITAMIN E
Vitamin E waa anti-oxidant waxa loo hela isaga oo dareera ah oo jidhka la mariyo, isaga oo la liqo iyo isagoo cuntooyinka kor ku sawiran ku jira.
waxa uu ku badan yahay qulqulka dhiiga, waxa uu jidhka cawiyaa inuu ahaado mid jilicsan quruxsan oo cadimaad qaba inu ahaado.
waxa uu kor u qaada in unugyada jidhkeenu qaar cusub lasoo saaro, sido kale waxa loo adeegsadaa finanka iyo jidh qalaylka.
faaidooyinka Vitamin E waxa ka mid ah in uu ilaaliyo oogada sare ee jidhka sidoo kale waxa uu ka ilaaliya maqaarka falaadha cadceeda.
GUNAANADKA
Dadka somalidu badan koodu ma isticmaalaan vitamins sidoo kale ma isticmaalan cunto nafaqo leh, hadana waxay ka aminsan yihiin vitamina da in ay ku keenayaan xanuun, hadana xanuunada kama badvadaan oo waxa ay kaalmaha hore kaga jiraan dadka ugu dhimashada badan.
Waad aragtay sida ay dhalinyaro iyo wayeen dhaamteen u wada xanuunsanayno. taasna waxa aan u sababynayaa inaynaan qaadan vitamins oo ah halbowle aan laga maarmi karin.
Qofka ay vitamins ku yaradaan waxa ku dhaca xanuunkasta xataa ghadu dhalin yro yahay.
WEST LONDON PHARMACY
Comments
Post a Comment