20 talo cafimaad ood u baahantay.
Talooyin Cafimaad.
Halkan
waxa aynu ku sharaxaynaa 20 talo cafimaad oo ka anfacaysa qofkasta oo jecel in
uu cafimaadkiisa kor u qaado kana hortago dhibaatooyinka cafimaad daro iyo wax
yaabaha keeni karaa dhibaatooyinkaas.
Shaqsi
kasta oo wayn iyo mid yarba oo dunidan ku nool waxa ku waajiba oo masuuliyadi
ka saarantahay waa ilaalinta cafimaadkiisa iyo nafaha kalaba gaar ahaan kuwuu
dhalay ama uu la dhashay.
waxaana
muhiima inuu kala barto maxaa cafimaad ah maxase cafimaad daro keeni kara.
Xadaradaha
aduunyadu iyo sida ay ukala fac wayn yihiin wadamada qaaradaha aduunyadu waxa
ay keentay in si xeel dheer lugu talax tagay in la ogaado shay kasta iyo
faaidadiisa iyo khasaarihiisa.
Marka
la ogaado shay kasta iyo faaidadiisa iyo khasaarihiisa waxa loo kala sameeyay
xad iyo xakamayn cunida iyo iska ilaalin taas oo macnaheedu yahay cuntooyinka
aynu cuno qaab nololeedkeena ay intuba iskugu jiraan qaar ku horseedaya
cafimaad iyo qaar ku hor seedaaya cudur si aad uga taxadirtidna waa in aad kala
barata aqoona u lahataa.
Siwacan
ugu fiirso si aad iskaga ilaaliso dhibkasta.
1- Cun cunto isku dheeli Tiran.
Cun cuntooyin isku dheelitiran sida khudrada midhaha lawska nooca khudrada waxa aan ugala jeeda midkasta oo aan u baahnayn in dab lasaaro kuwaas oo inteena badani aynu maalinle u aragno.
Muuska
cinabka tufaaxa lawska, isku gayn qofka wayn waxa lugu qiyaasa in uu uga
baahan yahay ilaa 400g oo iskugu jirta noocyada aynu so sheegnay iyo kuwa kale
aynaan halkan ku xusin.
Muhiimada
cunitaanka noocyada khudrada kala duwani waxa ay jidhkaaga iyo cafimaadkaaga u
leedahay faaidooyin fara badan.
Hadiiba
ay kaa maqan yihiin waxa kaa maqan faaidoyin, waxaanaad halis ugu jirtaa xanuuno fara
badan oo kugu keeni kara in ay halis ku galiyaan.
Waxa
ay khudradu kaa ilaalinaysaa halista aad ugu jirtid nafaqa darada iyo xanuunada
aan faafin iyo kuwa faafa, sida wadna xanuunka, macaanka, faaliga iyo cancer ka.
2-iska yaraynta milixda iyo sonkorta.
Hadiiba
uu jiro mid idinka midaa oo maalintii isticmaala milixda laba jeer maalintii
waxa uu khatar ugu jiraa xanuunka dhiikarka.
Xanuunkan
oo kusii gudbinaaya wadna xanuun iyo faalig, milixdaada aad maalinkii qadanaysa
haka yaraato 5g oo dhiganta in aanad ka badsan qiyaastii hal malqad oo nooca
caadi ahaan aynu isticmaalno ee yaryar.
Markasta
oo aad hoos u dhigto milixdaada waxa aadku jirta badbadada caafimaad waxa aanad
iska ilaalisaa nooc kasta oo ay ku jirto (sodium) oo ah maadada ay ka samaysan
tahay milixdu.
Waxyaaba
laga heli karo milix fara badan waxa ka mida cunto dhananeeyasha gacanta lugu
farsameeyay inta badana laga helo suuqyada iyo hudheelada guryaha.
Sonkortu
waxa ay si degdega u disha oo u burburisaa ilkaha waxayna keenta misaan degdega
oo aan ahayn mid cafimaad ah. yaanay maalintii ka badnaan celcelis inaad
isticmaasho sonkorta 12 malqacadood ama 50g.
3- Inaad iska yarayso cuntooyin degdega
(Fast foods or junk food)
4- Cabitaanka sigaarka
Sidaynu
hore uso xusnay waxa uu keena xanuunada aan faafin, cancerka sanbada ku dhaca.tubaakadu masaamayso qofka
cabaaya kaliya sido kale waxay wax yeelaysaa qofka u dhow aaga lugu cabaayo, hadii aad
waqti xaadirkan tahay mid caba sigaarka waxa aad haysata jaanis aad iska joojin
karto waxa aanad markiiba arkaysa faaidooyin cafimaad oo badan iyo is badal
degdega oo ay ka mid tahay firfircooni.
5- Ahow mid firfircoon.
Inaad ahaato qof firfircoon waxa ay samaxaysa inaad ahaato mid marwal cafimaadkiisu isku dheeli tiran yahay, jidhkeena qaybta lafaha iyo jidhkuba waxa ay u baahan yiihin in lasiiyo jimicsiyo kala duwan si ay u helaan dhaqdhaqaaq ugana faaidaystaan dheefshiidka cuntooyinka iyo qulqulka dhiiga.
Jimicsiayada
waxa kamida in gymta iyo kuwa kale fudud sida kubada iyo dabaasha, ciyaaro kala duwan sameeyo guriisaba ku
jimicsado iyada oo xaga da,da ay ku kala duwananayaan.
6- Ilaali cabirka dhiikarkaaga
Dhiikarka waxa loo yaqaana (silence killer) oo ah dilaaga qarsoon, sababtu waxa weeyaan waxa jira dad badan oo aan ku bararugsanayn iyada oo ay jirto in aanu xanuunkuba wax calamadaa muujinayn inta badan.
Ilaali
taan laanta iyo in aan laga war hayn dhiigaga isagoo kacsan ba waxa uu saamayn
ku yeelanayaa maskaxdada, wadnahaga, kalyahaaga.
Hadiiba
aad tagto goob cafimaad oo luugu sheego lambarada cabarka waxa aad ogaanaysa
xaalada aad ku jirto, isla markaana waxaad talo cafimaad ka helaysa goobta aad
iska cabirtay amaba dhakhtarkaaga.
7- Inad cafimaadkaaga baadho
Inaad cafimadkaaga lasocotid oo aad baadhid waa shay aad u muhiima adigoo ka badhayaa xanuunada ay tahay inaad sanadkiiba halmar iska baadho HIV, HEPATITIS B, SEXUAL TRANSMITED DIEASES, TUBERCOLUSIS.
Waxay ku horseedayaan xanuuno aad usoo
jiitama oo daran iyo dhimisho hadaanad lasocon inaad qabto oo ay muhiim tahay
inaad iska ogaatid si aad uga badbaadid saamayntooda.
Inaad
lasocoto waa laba mid uun oo ah in aan laga helin wax xanuun ah siina wadato ka
hortagidii iyo dadaladadi hore.
In
aad noqoto qof xanuunadan laga helay markaana waa in aad la tacaasha
xanuunkaaga halka aad daawo ka helaysid iyo in aad ka dhawrto bulshada kale si
aanu ugu faafin.
Markastaba
waa wajib sido kale waqtiyada lamaanaha ay isku biirayaan waa muhiin la sameeyo
shaybaadh.
8- Talaalka
Talaalku
waa hababka kaliyaa ee lagaga hortagi karo xanuunada, talaalku waxa uu
jidhkaaga u yahay difaac isaga oo ka ilaalinaaya xanuunada iyo ilma aragtayda
jidhkaaga so gala.
Dunida hurumartay markasta waxa soo saarta talaalo ku lidi ah xanuunada luugu talo galay, sidaa si lamid ahna waxa ay muwaadiniintooda mid yar iyo mid waynba ku waajibiyaan in ay qaataan talaalka. waxaanay kaba dabar gooyeen xanuunada imika ku dhaca caruurteena.
yaynaan diidin talaada caruurteena si aynaan hadhow uga shan layn.
Lkn
waxa ay wax waylba ogaanay markii caruurtii talaalnayd iyo kuwii aan talaalnayn
ay kala duwanadeen dhanka xanuunada.
Dadkeena
waa indha ku garaadle inta badan lkn malaha aqoon fog oo ay kaga hortagaan
xanuunada, hadana waxa aynu iska cabin kala hornimaadno xanuunada faafa ee
dunida khalkhaliyay gaar ahaan xanuunkii covid19.
Waxa
aynu odhan jirnay waa hargab yara waynaaday lkn markii uu gumaaday dad badan
wayeel iyo dad dhexaba waxa aynu qasab ku qaadanay talaalkii.
9- Xagal same markaad hidhisayso.
Waxa
jira xanuuno loo yaqaano (airborn disease) xanuunada hawada ku gudba ama isku
neefsiga.
imika
hadaad qufacdo ama aad hidhisto waxa ay ku baahaysa hawada iyada oo ah dhibco
yaryar oo aanad arkayn, waxa aad gudbin karta durayga oofta xanuunka qaaxada
hadaad leedahay durayga.
Sideeda
cadigaaba waxa wacan in aad caado ka dhigato in aad gacantaada so laabto marka
aad hishisayso ama qufacayso.
Waa
ixtiram marna waa badbaadin iyo habdhaqan wanaagsan iyo hab dhaqanka deenteena
suuban oo ina faraysa in aynu afka gacanta saarno ama ka fogaano dadka kale.
10- Qaniinyada kaneecada.
Kaneecadu
waa xayaawanada ugu halisa badan, waxa ay gudbisaan xanuun ka oo qofka bani
aadam ka ah si daran u wax yeelayn kara.
Si
aad iskaga ilaaliso qaniinyadeeda adiga iyo ehelkaagaba waxaad u baahan tahay
inaad samaysaan ka hortag.
Marka
aad u safrayso meel aad ogtahay in ay kaneeco joogto waa in aad si qadata
talaalka ama kiinanada ka hortaga ah sidoo kale maro kaneecada.
Waxaad
isticmaali kartaa marada nooca hoosta laga galo iyo waxyaalaha kale ee loo
isticmaalo in kaneecada lugu buufiyo ama ay neceb tahay.
11- Isicmaali biyo nadiifa.
Biyaha wasakhaysan gaar ahaan kuwa aan lakala shaandhayn ama kuwa ku jira harooyinka waawayn iyo baliyada waxa ay horseedi karaan cafimaad dao ay tahay in aad xanuunsato,
Waxa
laga qaada xanuunada (chalorea, malariya, typhoid) si aad badqabkaga u
ilaalisid dhaamka biyaha aadkaso dhaansato ilaali nadaafadiisa sida in aad ku
rido marka aad biyaha kaso qaadato iska karkari.
Sidoo
kale isticmaal dawooyinka biyaha lugu nadiifiyo, waxa dhamaan ka dhimanaya
cayayanka xanuunada keena.
Iyada oo deegaanada somaalida ay ku badan tahay biyaha laga cabo goobaha biyaha qabta sida baliyada iyo barkadaha waxa inoo muhiima in ay hakis inugu yihiin biyahaasi oo aynu ogaano in xanuuno laga qaado.
12- Naasnuujinta.
Naasnuujinta waa habka kaliyaa ee ilmaha yar lugu siin karo cunto, naasnuujinta ilmaha yar 6da bilood ee ugu horeeya waxa ay ilamaha yar u tahay awooda kowaad ee koritaankiisa waana difaac buuxa.
Sida
laysku wada waafaqay in lamaha yar waxa waajib ah in hooyadu naaska siiso mudo
dhan labo sano.
Muhiimada
ku jirta in mudidaas la siiyo naaska ayaa ah in ilmaha yar siwacan u koro oo u
helo xanaanayn iyo difaac caamaha naaska.
Naas
nuujintu waxa ay sidoo kale muhiim u tahay hooyada iyada oo ka ilaalinaysa
halista cancer ka ku dhaca naasaha iyo burooyinka kaso baxa ugxaansidayaasha
iyo ilma galeenka.
Gunaadka
kusamaysma naasaha ee ay sababto marka ilmaha yar caanaha laga joojiyo naasko
irmaan ama ilma kale caloosha galo, gunaadkaasi waxa uu keeni kara xanuunka
cancer ka oo ku dhaca naasaha.
11- Hadii aad dareento
kalinimo.
Hadii
aad dareento kalinimo, niyad jab warwar iyo rajo la;aan, maaha in aad ka soo
qaado in aad dunida kaliga ku tahay oo aan dhibkaaga la xalin Karin, waa in aad
la xidhiidhaa qofka kuugu dhow ee aad ku dareemayso farxad iyo kalsooni ama aad
u tagtaa lataliyaasha cafimaadka.
Hadii
aad kalinimada aad isku eegto waxa aad ku dhici kartaa in aad naftaada wax
yeelayso,
Inta
badan dadkeenu waxa ay u yaqanan in ay dareen kooda muujiyaan ama xanuunka
lasoo darsa shay ah ceeb ama in ay sharaftooda.
Wax
u dhimayso iyada oo ay caloosha iyo qalbiga ku haysanayaan wax yar oo laga
caawin lahaa ama ay ku filnaydba in uu lawadaago dhaktarka cilmi nafsiga ama
shaqsiyaadka u ku kalsoon yahay.
Waxa
ay dhibaato ku tahay maskaxdaada iyo cafimaadkaaga oo dhan waxaanay suurto
galin kartaa khatar dheeraada.
Isku
cabudhinta marka ay xaaladahan oo kale kulaso darsaan waa halisa ugu wayn, waxa
uu xanuunkii u gudbayaa heerka labadaad oo ah in xanuunkastaba darajooyin uu
maro markaana u kugu si wada fido.
12- Ha qaadan dhakhtar la’aan dawooyinka.
Laqabsashada
dawooyinka waa dhibka ugu way ee bulshadeena haysata in uu qofku habeenkasta
goob daawo iibisa ah(farmasiiyada) tago uu kiniin iskaso iibsanayo uu isagu
isku qoray in muda ah marka uu qofku wado waxa ay keenaysaa in qofkiiba la
qabsado dawadii oo aanay cafimaadkiisa waxba uga tarin.
Dhimashada
dadka laqabsada dawooyinka ayaa xoog u kacda sababto ah bakteeriyadii aya
nooqota mid aan la dawayn karayn oo keeni karta qofkiiba inuu u dhinto marka
lugu dawayn kari waayo dawooyinkii uu macmiishay.
Gayiga
somalida waa halista ugu way nee haysata sida aynu wada og soonahayna
taloobinka cafimaad ee aduunka aad ayaynu uga wada hoosaynaa cafimaad daradiina
waxay keenaysa in dadkeeni wada bukaan socod noqdo oo dhimashadiina kor usi
kacdo.
13- Gacmahaga u dhaq si joogta ah.
Nadaafada
gacmuhuh waa halka ugu horeysa ee nadaafada qofku ka bilaabanto ama nadaafad
daradiisu.
Gacmuhu
waa gudbiyaha kowaad ee xanuunada hadaanad nadiifina waxa aad halis ugu jirtaa
xanuuno fara badan inaad qaado dadka kalena aad u gudbiso.
Ku
nadiifi saabuun iyo dareeyaasha bakteeriyada iyo feereska dila si uu caabuqa
iyo feerasku kaaga baabo.
masha allah aad ayuu u fiican yahay blogani
ReplyDelete