Posts

Showing posts from January, 2023

4 faytamin oo hadii aad bilowdid ku siinaya quruxda jidhka iyo dhalaalka.

Image
Faytaminadu waa hubka kaliya ee aad kula dagaalami karto        xanuunada iyo gabowga degdega ah waxyaabaha aad cunto sida cunatada nafaqada leh iyo faytaminada waxay sare u qaadi karaan quruxda jidhkaaga. Quruxdu waxa waxa ay ka bilaaban taa gudaha, cuntada iyo faytaminada waxa ay badali karaan muqaalkaaga sidoo kale nafaqooyinkani waxay si cajiiba u badali karaan sidu jidhkaagu dareemaayo. waxa jira faytamino badan oo hab dareera ah jidhka loo mariyo, hadii aad afka qaadatana waa sida u cajiibsan ee aad moodid sidii sixirkii inu jidhkaagu isu badalaayo. Cuntooyinka laga helo vitamin D. VITAMIN D Faytamin D waxa looyaqaana Faytaminkii qoraxda, ilaahay ayaa mahad iska leh jidhkeena u fadaydiyay inuu jidhkeenu ka qaato cadceeeda oo adeegsato. Hadaba cadceeda oo la isku dhigo waxay sababtaa in ay falaadhaha cadceedu si toosa ugu dhacaan jidhkeena taasina ay sababto cancerka ku dhaca maqaarka. Hadaba sidee ayay nu ku heli karnaa? Vitamin D waxa hormoon ku milma baruurta...

waa sidee tayada dawooyinka dhulka somalida?

Image
   ka ganacsiga dawooyinka iyo somalida Bulshada somalida ee geeska Africa ku dhaqan waxa ay leeyihiin wakiilo ganacsi oo u qaabilsan soo ibinta dawooyinka suuqyada caalamka iyo soo dajinta iyo tafaariqaynta dawooyinka. Suuqan kala ganacsiga dawooyinka waxa ku jira ganacsato somaliyeed oo mudo badanba siyaabo kala duwan usoo dajin jirtay dawooyinka. Halkana waxaynu ku iftiiminayna herarka uu maro ganacsigani saxa iyo qaladadka ku jira ee ay sameeyan ganacsatada somalidu. waxa sido kale so xiganaynaa warbaxino ku saabsan suuqyada caalamka ee ka ganacsiga dawooyinka.   v Glaxosmithklines [1715-1859] waxa ay sharakadani xilli ay ahayd tariikhdaas soosaari jirtay dawooyinka caalamka. sharkadan oo fadhigeedu yahay England, london.     waxa si wayn ugu jirta liiska daawo soosarayasha kuwa luugu kalsonaanta badan yahay, waxayna faracyo badan ku leedahay wadamo badan oo daafaha dunida. v Pfizer sharkadan waa sharkad laga leeyahay America, New York. ...

waa maxay waxyaabaha ugu waawayn ee sababa macaanka?

Image
  Xanuunka macaanka §   Sedex nooc oo lo qaybiyo macaan ka. §   Dadka u nugul inay qadaan macaan ka. §   Xanuunada ay qaadi karaan dad qaba macaanka. §   Calaamadaha macaanka lugu garto. §   Waxyaaba ugu wawayn ee sababa macaanka. §   Sida looga hortago macaanka. Xanuunka macaanka waa marka ay sonkortu ku fido qulqulka dhiiga jidhkaaguna aanu awoodin in u kasaaro dhiiga ama uu isticmaalo sonkorta. Dhecaanka u ganacu soo daayo ayaa maamula sonkarta jidhka oo galiya unugyada yaryar ee jidhka si looga sameeyo nafaqo iyo awood u qofku isticmaalo. hadii aanu ganacu shaqaynayn waxa ay ka dhigan tahay in qof kaasi qabo sonkarow ama macaan. §   Sedex nooc oo loo qaybiyo macaanka v Type 1 diabetes Noocan oo ah mid qofka markasta ku dhici kara ayaa sababa unugyada difaaca jidhku in ay dilaan xubinta ganaca oo ah meesha soo daysa insulin ta oo maamusha macaanka jidhka so gala, dadka qaba noocan macaanka waxa ay si joogta ah u qadanay...

Sidee loola saxiiba bukaankaaga?

Image
  Akhlaaqiyaadka hawl wadeenada cafimaadka ·       1-   La saxiibida bukaanka. ·         2- Go’aan qadashada iyo dhiirigalinta bukaanka.   Bahda cafimaadku waa saxiibka bukaanka.  La saxiibida bukaanka Bahda cafimaadka waxa la gudboon in ay ogadaan in uu yahay bukaanku qof dhibane ah oo jilicsan una baahan in la caawiyo. Caawinta iyo u adeegida qofka bukaanka ah waa shaqo iyo masuuliyadku saaran marna waxa ay tahay adeeg bani adaanimo oo qofkasta cafimaadka waxka bartay saaran. Meelnaba aduunka luguma arag waana ka danbi iyo xagjirnimo in qofka bukaanka la fogeeyo  siyaabo dhaqaale ,jinsi ama  kala duwanaasho midab,qolo’qolo. Waxyaabaha ugu farxada badan ee keena daganaanshaha iyo farxada shaqada dhexdeeda ayaa ah in aad ka dhigato saaxiib bukanadaada la qososho, waqtina aad siiso marka aad shaqada ku dhex jirtid. Bukaanku waxa uu arkaya in aad tahay qof shaqadiisa u daacada, aqoon leh islamanimadiisa iyo...