Sidee loo samaystaa jadwalka jimicsiga iyo midka cuntada?

Markaad isbadal doon tahay ood rabto inaad wax ka badasho qaab-nololeedkaaga sida miisankaaga,cuntaada,hurdaada, iyo qaababka kalee horumarineed, waxaad u baahan tahay uguna horeeya waa inaad qaadato go'aan adag oo ah isbadal doon dhabaa. Hadii aad ka midka tahay dadka aan go'aan qaadashada ku fiicnayn qormadan kuma anfacayso, Hadaad rabto inaad isbadal samayso waxaa lagaa rabaa inaad qoroto jadwal, kaaso noqonaaya isbadalkaaga kowaad. Jadwalku waa talaabada ku xigta go'aan qadashada, jadwalku waxa uu noqon karaa mid maalinle ah, mid bile ah intaba. Si uu jadwalkaagu u noqdo midaad ku faraxdo oo ku gaadhsiiya riyadaada aad rabtid waa inaad markaad jadwalka qorayso kaligaa noqotaa, kaligaa meel naftaada la fadhiisataa, waa inaad indhaha isku qabataa adiga oo niyada ku haya waxaad rabto sida riyadaada iyo sidaad rabto iney u eekaato riyadaasi. Marka laga hadlaayo jadwalka waxa ugu horeeya ee maskaxdaada kusoo dhacaya maalmo, bilo, sanad iyo waxaad qaban lahayd, Haa waa ...